DADKII SHALAY DHURWAAGAA(WARAABAHA) ISKA DHIGI JIREY AYAA MAANTA ADHI ISKU EKEYSIINAYA.
Aamiin iyo daacad waxa hiigsada ama hibo Eebo u siiyaa dadka dhiigooda iyo maalmkooda u huro gobanimada sidii ay uga fogaan lahaayeen, taas oo ah ta maanta lagu dhaadanayo ee ah Dowladnimada Somaliland.
Ayaan daro hufsatay iyo dhalan habaabin indho sar caad ah marka ay qofka bani’aadamka haleesho waxa uu maanka ku qabsadaa waa la i dilayaa waa la i eeganayaa sida maamulkii hore raggii ama dhalintii haysay marsabka qaarkood ,maadaama ay wadanka hormood u noqdeen burburintiisa,musuqmaasuq,tuuganimo , maalkii dalka oo ay la baxsadeen iyo weliba ay raadsanayaan dad garaad gaab ah maadaama iyagu garaad gaab ahaayeen, kuwaas oo ay u adeegsanayaa wax aan jirin sida marin habaabista la wada ogyahay tusaale.wiilal yar yar oo wax aan ka ogayn waxa ay ku dhawaaqayaan iyo dadka ay matalaan war isku haynin ,laakiin rag u dhiibeen wax aan jirin ,hoostana rag kale ka shaqysanyo horta dadka qaarkiis kala maan la’, gaar ahaan dadka ku xidhan Daahir Riyaale iyo dhowrkii qof ee dadka u soo ka xaysan jirey xaynta Poliska ee kaga cabsiinayey waanu ku xidhi , hortaa jiraaba kari waa, laakiin, waxa la dhowrayey Somalilandnimada ,runtiina laydinkama cabsaneyn ee garaadkiina ayaa la ogaa halka uu ta agan yahay.
Jan20,2012 waxa jirtay in galbeedka Borama ,dhinaca xadka Ethiopia dhalinyaro beeraley ah oo gaadheysa ilaa lix(6) wiil in been loo sheegay lagana yidhi dad aad ehel tihiin ayaa la laayay waxaana laayey dowlada somaliland ee Borama , dabadeed waxa loo soo dhiibey qoryo halkaas oo la rabay in ay soo laayaan dad shacab ah oo degen magaalada , nasiib wanaag wiil ka mid ah dhalintaas ayaa soo gaadhay magaalada Borama , waxa uu ogaaday warkii loo sheegay in uu ahaa been abuur dabadeed waxa uu ku noqday shantii wiil ee kale runtiina waa u sheegay , iyaga oo wada socda ayey yimaadeen saldhiga Policka ee magaalada Borama waxan ay yidhaahdeen ninka la yidhaahdo
1.Mohamoud sheikh Abdillahi
oo ah nin aan isku dhow nahay ayaa qoryahan noo iibshay dad gaar ahna laaya ayuu nagu yidhi warkii uu noosheegeyna markii aan hubsaney been abuur ayuu noqday, haddaba taas awgeed ayaa ciidanka Borama loo keenay Jan21,2012.ninkaas kor ku qorani waxa uu ahaa Gudoomiyihii Gobolka ee waqtigii RIYAALE.
Dadka isku sheegay in ay yihiin maamul aan jirin marna dhurwaa isku ekeysiin jirey haatana Adhi isku ekeysiinaya waa kuwan hoos ku qoran kuwaa oo ah kuwa hoosta ku qarsoon ee wada Awda state (stateka BA’)
AWDAL STARE OF SOMALILA
1.Mohamed sh.Hasan Nuriye Gudoomiye
2.Ali Jama Dogax Xooghayha Macdanta
3.Mohamed maydhane Warsame Xooghayaha Beeraha
4.Abdilahi sh.Ali Jowhar Xooghayaha Dhaqaalaha
5.Suleyman Ahmed Guuleed Xooghayaha Tacliinta Sare
6.Mohamed Housein Hadi Xooghayaha Diinta
7.Ahmed Haji Dahir Elmi Xooghayaha Isgaadhsiinta
8.Mohamed Barkhad Miigane Xooghayaha Beeraha
9.Yousug Amir(Ahmed Juma) Xooghayaha Cadaalada
10.Qasim Sh.Ibrahim Tubeec Xooghayaha Difaaca
11.Mohamoud Ahmed Bare (Garaad) Xooghayaha Kaydaka iyo Abaabulka
12.Ibrahi m H.Muhumed Aye (Jimy)
Gudoomiyaha Awdal State Of Somalia
Mohamed Sheikh Hassan Nuuriye
Nin noolow maxaa aragti kuu laaban dadkii shalay maamulka somaliland hayey qaarkood haddii garaadkoodu halkaa marayo waxa ayaan daro ah kuwa wax ka sugaya ama howlan in ay dib wax uga helayaan ama maamuus dambe ka sugaya . nasiib wanaag ummaddii reer Awdal ama dadweynihii u dhashay Gobolkaas runtii aad iyo aad ayey u ogyihiin, aqoon aad u badana wayka haystaan ragan kor ku qoran ,xaqiiqdiina horeba wax kumay aamini jirin , inkastoo dadku maanta isbartay ka Bari ilaa Galbeed Somaliland degan , ummadaa somaliland ee degan coast to coast maanta lagama dhex abuuri karo wax loogu yeedhay indho sarcaad taas oo ah waxa loogu yeedhay Awdal State iyo Khaatumo Seeg shacbigii reer somaliland maanta heerka xadaarada, dowladnimada, dal dhisid maanta waxa ay ka gaadheen heer qaranimo ,umana baahna nin liita ,nin liitana liic isagaa is baday .ayaan darada haysata labada nin ee kala ah Ali Khaliif Galeyr iyo kuwo aan dhaamin sida Mohamed sh.Hassan Nuuriye oo ahaa safiirkii Soma liland u fadhiyi jirey somaliland ADIS ABABA wakhtigii RIYAALE ,runtiina sumcad aad u foolxun ka sheegi jirey somaliland wakhtigaas uu joogey ETHIOPIA ,nasiib wanaag wax laga dhegeysto ayaan jirin , war la qabaa xiiso malaha .
Isha Ali ninka dayey ,waa arkaa in Buuhoodle ay tahay somaliland ,loona dulqaadaneyn dad shisheeye kalkaal ah ama qaran dumis ah oo loo soo adeegsaday in dadkooda dhibto ku wadaan, ama jecleystay in dhiiga shacbiga reer Buuhoodle daadiyaan , taana dadkii reer Buuhoodle way ka dhidiyeen waana ay ka soo horjeesteen waxa loogu yeedho KHAATUMO SEEG , taas oo ah mid dadka ka saareysa iimaanka iyo toobada .
Waxa jira kuwo kale oo loo yaqaan qurbe meerka iskuna sheegay in ay yihiin Awdal State ,kuwaasi waa cidlo ka yeedh ama waxii la odhan jiery” nin dhoohan oo dhabaha seegan lama raaco” waa kuwa ku noolaa dheefta somaliland ,cunay ,dhamay kana dhergey dheeftee dalka hooyo ,maantana leh waxa aan nahay wax aan la garaney, kuwaas oo dadka reer AWDAL EE SOMALILANDERKII ay aad isha ugu hayaan , kuwaas oo ah kuwo aan lahayn taag ama itaal ay ku hadlaan, taana waxa mahad ku leh dadka reer Awdal ee geedka ku xighay xaaraan quutayaashaas la baxay awdal state. taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa maanta somaliland halka ay taagan tahay waa wax EEBO loogu mahadiyo,somaliland ha jirto oo ha joogto.
BEENI MAXAY QABAN BORAMA AYAAN KA IMIDE
Abdikarin Ibrahim Rijaal(Somalilander, Borama)
Ottawa.Canada
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11527





