Dagaal culus oo la filayo inuu saacadaha soo socda ka qarxo deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugantay Gobolka Gado
Qansax-dheere-(Berberanews)- Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay, Ciidammo ka tirsan kuwa dawladda Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, ayaa subaxnimadii maanta ka kolanyeystay degmadaas oo la sheegay inay dhawaanahanba ku diyaar-garoobayeen, isla markaana u shiraaqday dhinaca degmada Buur-dhuubo oo ka tirsan gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, halkaas oo ka mid ah meelaha gobolkaas ka soo joogaan xoogagga Malleeshiyada Al-Shabaab.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidammada dawladda Itoobiya oo wata gaadiidka Millateriga ee Taangiyada, Baabuurta Suugga Xambaara, Uraallada kuwa loo yaqaanno iyo Afantari tiro badan inay saaka ka ambabexeen Qansax-dheere oo ka tirsan gobolka Bay, isla markaana u sii jeedaan degmada Buur-dhoobo oo ah meesha labaad ee ay Al-Shabaab ka joogaan gobolka Gedo, halka meesha labaadna ay tahay degmada Baar-dheere ee gobolkaas Gedo, meelahaas oo ay isugu geeyeen awooddooda ciidan Al-Shabaab ka dib markii laga qabsaday deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Gedo iyo Bay.
Hase-yeeshee, Ciidammada Itoobiya ayaa la sheegay inay maalmahanba halkaa ku diyaar-garoobayeen si ay u weeraraan Al-Shabaabta Buur-dhuubo, halka ay deegaanka Baar-dheerana ku dhaw yihiin ciidammo ka tirsan kuwa dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dawladda Kenya oo caawaya kuwa Soomaaliya, isla markaana la filayo sida ay dhawaan shaaciyeen masuuliyiinta dhinaca ciidammada ee dawladaha Kenya iyo Soomaaliya inay halkaa kula dagaallami doonaan Al-Shabaab si looga sifeeyo gobolka Gedo, halka kuwa Itoobiyana ay weerar ku ekaysiin doonaan degmada Baar-dheere, iyada oo haddii labadaa degmo lagu guulaysto in Al-Shabaab lagaga qabsado dagaallada la filayo inay dhacaan saacadaha soo socda gobolka Gedo noqon doono mid si buuxda ugu jira gacanta dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya iyo Xulufadeeda.
Lama garan karo cidda ay guushu ku raaci doonto dagaallada saacadaha soo socda la filayo, hase-yeeshee waxa la sheegayaa in qolo waliba geesteeda dagaal adag u diyaar-garawday. Kooxda Al-Shabaab ee Buur-dhuubo ku sugan ayey wararka qaarkood sheegayaa inay abaabul xooggan oo dagaal ka wadeen deegaankaas, ka dib markii ay ka war heleen in ciidammada Itoobiya saaka ka dhaqaaqeen Qansax-dheere iyaga oo u jeeda dhinaca Buur-dhuubo ee gobolka Gedo. Si kastaba, ha ahaatee, waxa laga dhur-sugayaa sida ay dagaalladaasi u bilaabmaan iyo cidda ku gacan-sarraysa.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18366



