Berbera News | Daily News Update

Dal hal milyan oo dollar ku iibinaya jinsiyaddiisa

Dawladda Mauritius ayaa ajaaniibta u soo bandhigtay fursad ay muwaadiniin ku noqon karaan iyaga oo bixinaya hal milyan oodoolar oon celis lahayn.

Qofka jinsiyadda noocaas ah dalbanaya haddii uu yahay xaas waxaa looga baahan yahay in dadka kale oo ku tiirsan iyo qof kaste oo qoyskiisa ka tirsan uu ka bixiyo 100,000 oo doolar oo dheeri ah.

Waxaa arrintaas ku dhawaaqay ra’iisulwasaaraha iyo wasiirka maaliyadda oo soo bandhigayay miisaaniyadda dalka ee 2018ka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa cambaareeyay go’aankaas.

Ashok Subron oo ah hogaamiyaha xisbiga Rezistans ek Alternativ ee wadaniyadda ku talax tagay ayaa sheegay “in dhalashada dal aysan wax soo saar ahayn isla markaasna aysan sicir lahayn alaab ahaanna aysan noqon karin”

Xigasho Bbc Somali