Damiirsamihii Ducada Lagu Gelbiyay: Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare (Qormada 2aad) W/Q Siciid Gahayr

Waxa aynu qaybta labaad ee xuska iyo xasuusta Marxuun Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare ku soo qaadan doonnaa sooyaalkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkii uu qabtay iyo marxaladihii kala geddisnaa ee uu nolosha ku qaatay.

Marxuun Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa hilaad ku siman gu’gii 1966kii. Isaga oo konton jir ah ayuu galbaday. Waxa uu ifka kaga tegay toddoba carruur ah oo isugu jira saddex wiil iyo 4 gabdhood.

 

Waxbarashada dugsiga hoose/dhexe waxa uu ku qaatay Iskuulkii loo yaqaannay Maroodi-jeex (Maantana ah Machadka Cumar Binu Khaddaab) oo ku yaalla faras-magaalaha Hargeysa, dhulka iyo dhismaha dugsigaas waxa ku deeqay aabbihii Marxuum Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare. Sannadkii 1980kii ayuu Maxamed u geeddiyay magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar halkaas oo uu waxbarashada dugsiga sare ku qaatay. Dhawr sanno kaddib waxa uu u wareegay dalka Sucuudiga.

 

Wuxuu ka soo jeeday qoys magac iyo maamuus ku leh bulshada Somaliland iyo degaanka Hargeysa. Aabbihii Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare wuxuu ka mid ahaa Xildhibaannadii 1967kii loo doortay baarlamaankii Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ahaa ganacsade hanti badan ku leh Hargeysa. Wuxuu ka mid ahaa dadkii qurbaha tegay xilliyo hore, halkaasna ka dheefay ilbaxnimo mug iyo miisaan leh. Raadadka khayrka leh ee uu ifka kaga tegay waxa ka mid ah Masaajidka Al-nuur ee ku yaalla Suuqa Waaheen iyo Machadka Cumar Binu Khaddaab. Ilaahay labadaba ha ugu daro miisaanka wanaagga’e.

 

Marka laga yimaaddo siyaasadda, ganacsiga iyo samafalka uu ku jiray, wuxuu Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare sabab u ahaa in ay dad badani ka diga-rogtaan nolosha miyiga oo ay magaalada soo degaan si ubadkoodu cilmi u helo, ganacsiyo u abuuraan, una noqdaan dad muuqda oo lagu xisaabtami karo. Wuxuu ahaa damal ay hadhsadaan dad badani oo si weyn u gacan-qabtay dadkii markaas la noolaa. Xaaji Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa dadka run-sheegga ah ee u hiiliya cidda la dulmayo, isaga iyo Abwaan Cabdi Iidaan Faarax ayaa tix iyo tiraab ugu gargaaray dhallinyaradii Somaliland ee Inqilaabka dhicisoobay samaysay Disember 1961kii.  Wuxuu geeriyooday 1977kii, waxaana lagu aasay magaalada Hargeysa.

 

Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan, hooyadii waxay ahayd Marxuumad Faadumo Barre, waxaanay sannadkii 2009ka ku geeriyootay magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarrama oo ay u tagtay gudashada waajibaadka xashka. Mar walba waxan xasuustaa tudhaalkeedii, cibaadadeedii, naxariisteedii iyo daaddihinteedii. Waxa uu la walaalo ahaa 17 ruux oo isugu jira toban hablo ah iyo toddoba wiilal ah. Haddii dadnimada loo ab iyo isir sheegto, dhammaan qoysku waxa uu tusaale wanaagsan u yahay summadaha aadamaha lagu majeerto.

 

Gu’gii 1984kii waxa uu Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan u socdaalay dalka Kanada, isaga oo halkaas ku qaatay waxbarasho iyo takhasus ku saabsan maamulka iyo maaraynta (Business Adminstration). Kolkii ay Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda ayaa uu ku soo laabtay dalka hooyo. Waxaanu hayaan u galay horumarka dalka sida nabadaynta, shaqo-abuurka, hoggaaminta iyo koboca ganacsiga. Sannadihii 1994-1996kii wuxuu ka mid ahaa ergooyinkii ka shaqeeyay nabadaynta Somaliland. Walaw uu xilligaas nin dhallinyaro ah ahaa, haddana waa uu dedaalay karaankii.

 

Waxa arrinkan goobjoog u ahaa oo inoo faahfaahinaya Aqoonyahan Maxamed Cali Bile Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland, waxaanu yidhi “Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare waxa uu ahaa nin da’diisa ka weyn. Xilliyadii dagaalka sokeeye ka socdey magaalada Hargeysa 1994 kii, waxa uu ka mid ahaa dad xabbadda dhex socdey oo nabadda ka shaqeynayey. Isaga, Maxamed Baaruud iyo Laangadhe Libaax (AHUN) ayaan ka xasuusta oo kolna Hargeysa soo gelayey, kolna hawdka tegayey si ay nabad u dhaliyaan. Xilligaa an ka hadlayo marxuumku nin dhallinyaro ah ayuu ahaa oo qeyrkii gidaarada ayey taagnaayeen oo waxba looma diraneyn iska daa iney nabad dhaliyaane

 

Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan waxa uu lahaa qofnimo la-yaab leh iyo dad-dhex-gal heersarreeya. Maalin aanu joognay Xaruntii Wargeyska HargeyskaStar ayuu nin aanan magaciisa xasuusani ka sheekeeyay caleema-saarkii Marxuum Suldaan Maxamed Cabdillaahi (Galaal). Wuxuu yidhi “Kolkii xafladdu socotay ayaa cid laga arkay dhammaan ardaayadii kale ee Beelaha Ciidagale. Waxa se la tebay Ardaaga Cabdi Ciise oo uu ka soo jeedo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland. Kolkaas ayuu nin yidhi “Cidi ma ka joogtaa ardaagii Cabdi Ciise? Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa farta taagay oo yidhi ‘Haa. Aniga ayaa ka jooga’. Kaddibna qosol iyo sacab ayaa lala daatay”.

 

Tusaalahan kooban waxan u soo qaatay si aan u muujiyo in uu ahaa qof dad-la-dhaqan leh oo isku hayn kara cid is-diiddan iyo ummad kala dano ah. Caleema-saarka Marxuum Suldaan Galaal oo 22kii Sebtember 2015ka ku geeriyooday dalka Sucuudigu waxay ka mid ahayd meelihii laga ambaqaaday xasilloonida aynu maanta Somaliland ku fadhino.

 

Dhanka siyaasadda waxa uu Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan ka tirsanaa Xisbigii UDUB. Sannadkii 2005ta ayuu noqday Murashax u tartamaya Golaha Wakiillada Somaliland, isagoo ka baratamayay Gobol-weynaha Maroodi-jeex. Nasiib-wanaag kuma soo bixin doorashada, wuxuu se noqday Xildhibaannada kaydka ah. Waxa aan ka mid ahaa dadkii codka siiyay, hawsha ololaha iyo abaabulkana waa la iiga badsaday, waayo markaas ayuun baan ka qalinjebiyay dugsiga sare. Walaalkay Engineer Khadar Maxamuud Gahayr ayaa qoys ahaan ka qaatay kaalinta ugu sheeggan. Xisbiga UDUB ayuu ka tirsanaa illaa sannadkii 2011ka oo uu burburay, si rasmi UDUB wuxuu saaxadda uga baxay gu’gii 2012ka.

 

Waxan xasuustaa in Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan uu ka mid ahaa dadkii khilaafka Xisbiga ka ergeeyay ee aan kala raacin dhinacyadii ay Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin kala hoggaaminayeen. Muranka u weyni wuxuu curtay markii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen loo doortay Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga 03dii Jeneweri, 2012ka, tallaabadaas xisbiga badbaadin lahayd waxa qaaddacay garab xisbiga ka mid ah. Mar dambe oo xisbigi jar ka laallaado waxa Murashaxa Madaxweynaha UDUB loo xulay Md Cali Maxamed Warancadde. Maqaal uu xilliyadaas qoray Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare waxa ciwaankiisu ahaa “Waxan Jamaal iyo Warancadde usoo jeedinayaa inay danta Xisbiga UDUB u tanaasulaan”. Ogaalkayga kumuu biirin Xisbi kale, haddana kama maqnayn siyaasadda iyo ololaheeda.

 

La soco qormada saddexaad haddii Eebbe idmo..

Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com

Share Button
Please follow and like us:
0