|

Daniel Agger Oo Sheegay Inay U Furan Tahay Inuu Heshiis Cusub U Saxeexo Liverpool.

Custom Search

England (Berberanews Sports):- Ciyaaryahanka difaaca dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool Daniel Agger  ayaa daaha ka qaaday inuu wadahadal heshiiska loogu cusbooneysiinaayo kula jiro kooxdiisa Reds.

27 jirkaan difaaca ka ciyaara ayaa Liverpool oo kaga soo biiray kooxda Brondby,Laakiin dhaawacyo isdaba joog ah ayaa u diiday inuu fursado badan ka helo kooxda.

Si kastaba ha ahaatee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay Agger ayaa si joogto ah u maamulayey difaaca halbowlaha ee Liverpool taasi ayaana u ogolaaneysa in ninka reer Denmark uu kooxda  ka dhex muuqday xilli ciyaareedkii dhamaaday.

In kastoo heshiiskiisa kooxda ay uga dhimantahay Laba sanadood wuxuu hadana diyaar u yahay inu dhegeysto dalabka kooxda.

“Sir maahan inaan ku faraxsanahay joogisteyda Liverpool.  Hadii kale halkaas ma aanan joogi laheyn Lix sanadood,“ Agger ayaa u sheegay sporten.dk.

“Weli kalama aanan hadlin qandaraas cusub, lakiin hadii ay heshiis ii soo bandhigaan waan la eegayaa waana la xaajoonayaa”

“Ma ahan taasi wax  deg deg ah, madaama aan heysto qandaraas ilaa iyo 2014ka ah, laakiin hadii ay I weydiistaan waan dhegeysan doonaa.”

Kabtanka xulka Denmark ayaa sidoo kale qiray inuu la kulmay tababaraha cusub ee kooxda Liverpool Brendan Rodgers isagoona sheegay inuu rajeynaayo in ninka u dhashay  Northern Ireland uu shaqadii Swansea oo kale ka qabto kooxda Liverpool.

Mustafe Maxamud Diiriye

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17469

Posted by on Jun 20 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta