Berbera News | Daily News Update

“Danta Kenya ma aha inay qabsato Soomaaliya, waxaase ciidamadayada barbar socda kuw awoodda yar ee Soomaaliya oo ka talisa magaalada Muqdisho oo keliya..”Taliyaha Ciidanka Kenya

Kenya- (Berberanews) — Taliyaha ciidamada Kenya Jen. Julius Karangi, ayaa sheegay in gelitaanka ciidammadooda ee gudaha Somalia aanu ahayn mid qabsasho ah balse ay joogayaan inta ay jirto khatar dhinaca ammaanka ahi.

Jen. Julius Karangi ayaa isagoo Nairobi ku sugan u sheegay warbaahinta sidan, “Danta Kenya ma ahan inay qabsato Soomaaliya, waxayse ciidamadeenna barbar socda ciidamada DKMG awoodda yar ee Soomaaliya oo ka talisa magaalada Muqdisho oo keliya iyadoo gacan ka helaysa ciidamada AMISOM ee tiradoodu tahay 9,000 ee askari,” ayuu yidhi Jen. Karangi.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Kenya ay heshiis iskaashi  oo ciidan ah la gashay DKMG ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale dalalka Mareykanka iyo Britain, kuwaasoo aan lug ku lahayn howlgalka milateri ee ka socda Soomaaliya.

“Ololaha milateri ee ay Kenya ku qaaday Al-shabaab wuxuu dhammaanayaa marka la wiiqo awoodda kooxdan ay kaga soo tallaabayso xuduudda dalka Kenya,” ayuu taliyaha ciidamada Kenya ku daray hadalkiisa.

Dowladda Kenya ayaa todobaadyo ka hor laba guuto oo ciidamadeeda ah oo ay taageerayaan taangiyo iyo diyaaradaha dagaalka kasoo gudbisay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay la dagaalamayso Al-shabaab.

Tan iyo markii ay Kenya howlgallada ciidan ka billowday gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa gudaha dalkeeda ka dhacayay qaraxyo iyo weerarro sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay dad shacab ah iyo askara oo ay fulisay kooxda Al-shabaab.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com

Leave a Reply