Berbera News | Daily News Update

Dawladda Somalia oo hadashay hawlgal lagu dilay ku-xigeenkii Daacishta Soomaaliya

Hawlgal ay si wada jir ah u fulyeen ciidamada dowladda iyo Maraykanka ayaa lagu dilay ku-xigeenkii Daacishta Soomaaliya.

Howlgalkan oo ahaa duqayn ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Xidhiidho oo ka tirsan Isku Shuban.

Howlgalkan oo dhacay 14-kii April ayaa ahaa mid ka mid ah dadaalada lagu wiiqayo awoodda Argagixisada laguna badbaadinayo Shacabka.

Ciidamada dowladdaiyo saaxiibadooda caalamiga ah waxeey u taaganyihiin ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay dowladda  in aanay ka helin Soomaaliya gabbaad ay ku nastaan wax ay ugu yeedheen cadawgga.

Dawladda Soomaaliya ayaa oo kaashaneysa ciidamada shisheeye ee taageerada militari siiya ayaa bilihii ugu danbeeyayba weerarro isugu jira kuwo cirka iyo dhulka ah waxaa ay ku bartilmaameedsanayeen saraakiisha sar sare ee ururrada Al-shabaab iyo Daacish.