|

Dawladda Somaliland oo ka hadashay dagaal ka dhacay Sool-joogto iyo dagaal weli ka socda Gambadha

 Hargeysa(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Axmex Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in dagaal gaadmo ah oo ay fadhiisimadda Ciidanka Qaranka ee jiidda Sool-googto ee deegaanka Buuhoodle ay ku soo qaadeen malleeshiyo beelayd hubaysan oo Buuhoodle ka soo jeedda.

“Waxaanaan  ku faraxsanayn ayaa dhacay, weerar gaadmo ayey xalay malleeshiyo qas-wadayaal ahi dhinaca Buuhoodle kaga soo qaadeen, Ciidammada Qarankuna way ka jawaabeen, hub laga qabsaday dib ayey ula soo noqdeen, dagaalkuna hadda wuu socdaa..” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo kawdii duhurnimo ee maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa.

Wasiir Cadami, waxa uu sheegay in dagaalku wakhtigaa socdo, isla markaana malleeshiyada soo duushay oo aad u tiro badnayd ay ciidanka gaadeen, hase ahaatee, guutooyin Ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsan oo gobolka Sool ka gurmaday ay dagaalka galeen. “Khasaaraha waxa hadda jira 12 Askari oo ka dhaawacmay Ciidanka Qaranka. Waxa dhacay kuna faani mayno, kana faani mayno.” Ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, hase ahaatee, waxa uu xusay in dhimasho jiri karto, inkasta oo uu sheegay inaanay wakhtigan xaqiijin karin xaddiga dhimasho ee jira, balse ay gadaal ka sheegi doonaan marka ay warbixin sugan helaan.

Warar madax-bannaan oo laga helayo deegaannada Gambadha oo ka tirsan gobolka Sool, isla markaana ay Ciidammada Qaranka Somaliland fadhiisin ku lahaayeen, halkaas oo la sheegayo inay soo weerareen Ciidammo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo malleeshiyo ka soo jeedda deegaannada Buuhoodle, kuwaasoo la sheegay inay Ciidammada Qaranku dhirbaaxo kulul ku dhufteen, isla markaana khasaare badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo qabashada maxaabiis badan iyo gaadiid ay kala hadheen ka dhashay jawaabta Ciidanka Qaranku ku joojiyey weerarrada lagu soo qaaday oo laba geesood ah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Saaxibadaa Twitter ug gudbi warbixinta



--------------------------


Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11524

Posted by on Feb 8 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply



Recently Commented

  • Abdilahi Jama mire: Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn, haddii lawada dheefayo ok haddii kale maya
  • Berberaawi: Alaylehe qalinkaaga khadku kama dhamaado waar odayaashan magac baad u heshay xarago waxaa la ogaa ama la...
  • Cabdiraxman: Kuwani Salaadiin maaha ee waxa la yidhaa DHAAMEEL KA DHURSUGAYAAL markaa dhaameelkooda ha iska qaataan...
  • sahan: Asc waxaa aad layaab u leh werrshadani miyaamay hanti qaran ahayn, ma waxay somaliland oo dhani raali ka tahay...
  • yuniz: SXB, Qalinkaagu Khadku kama dhamaado

Gacal Store