|

Dawladda Turkiga oo Doorka ay ku leedaahay Kaalmaynta Soomaaliya geyisiiyey in wax laga weydiiyo Shirka London

Istanbuul-(Berberanews)- Dowladda Turkiga oo ka mid ah dowladaha u soo gurmaday Soomaalida ka dib abaarihii ku dhuftay Soomaaliya ayaa u muuqata inay tahay dowladda keliya ee muujisay inay wax ka qabato Soomaaliya, sida gargaarka bani’aadamnimo iyo la dagaalanka burcadbadeedda.

Shirka lagu wado in lagu qabto London ayaa waxaa dowladdu Turkigu loo qaatay in wax laga weydiiyo xaaladda Soomaaliya iyo wax ka qabashada gargaarka aadanaha iyo burcadbadeedda. “Faragelinta Turkigu uu ku sameeyay Soomaaliya waxaa lagu badbaadiyay dad badan, balse howlgallo badan oo caalamku ayaa fashilmay kaddib markii ay ka gaadhi waayeen hadafkii ay doonayeen,” ayaa lagu yidhi  warbixin ku saabsan howlaha ay Turkigu ka wadaan Soomaaliya.

Hay’ado badan oo Turki ah ayaa waxay ku sugan yihiin Muqdisho si ay wax uga qabtaan waxyaabo aan horay wax looga qaban sida, waxbarashada iyo gargaar dhameystiran oo dadka loo fidinayo si ay noloshoodu caadi ugu soo laabato. Soomaaliya ayaa waxaa muddo 20-sano ka jiray dagaallo sokeeye oo sababay inay burburaan adeegyadii bulshada, iyadoo dowladda Turkiga ay waddo mashaariic ay ku dayactirayso, waddooyinka, iskuullada, garoonka diyaaradaha iyo goobo kale oo muhiim ah sida isbitaallada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif oo dhowr jeer ka hadlay gargaarka ay Turkigu u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid aad uga duwan kuwa ay caalamku ku taageereen Soomaaliya, isagoo ku manceeyay taas walaalnimada iyo islaamnimada ka dhexeysa Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo wehliyaan xaaskiisa, caruur uu dhalay iyo xubno ka tisran xukuumaddiisa ayaa waxay tageen Muqdisho Ogoostadii lasoo dhaafay, waxayna booqdeen kaamam ay ku jireen dad barakacayaal ah oo kasoo cararay abaarihii ku dhuftay gobolladii ay ku noolaayeen. “Dhibaatada ka jirta Soomaaliya maaha  mid laga sheekeyn karo, qofkii doonaya inuu wax badan ka ogaado waa inuu tago, waayo waxaan arkay maha wax aan ak sheekeyn karo,” ayuu ra’iisul wasaaraha Turkiga sheegay markii uu ku laabtay dalkiisa, iyadoo hadalladan ay u muuqdeen kuwo uu indha caalamka ugu soo jeedinayo Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed oo muujinaya tixgelinta ay u hayaan Turkiga ayaa waxay caruur u dhashay u bixiyeen magacyada Erdogan, Turki iyo Istanbuul iyadoo ilmaha loo bixiyay ay dhasheen kaddib booqashadii ra’iisul wasaaraha Turkiga uu Muqdisho ku tagay.

Baarlamaanka Turkiga ayaa isku raacay Arbacadii lasoo dhaafay inay kasii mid noqdaan howlgallada NATO ee lagula dagaalamayo burcadbadeedda Soomaalida, taasoo caddeynaysa in Turkiga ay dhab ka tahay wax ka qabashada xalaadda Soomaaliya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Saaxibadaa Twitter ug gudbi warbixinta


Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11208

Posted by on Jan 27 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Marxuum Cigaal: Dardaaran



Recently Commented

  • Mohamed: Waa nasiib daro in magaaladii wadanka miisaaniyadiisa soo saaraysay macalin iyo dhakhtaro loo waayo oo...
  • Mohamed: Wuxuu yidhi horta mar marka qaarkood in la jabo ma jeceshahay inkastoo xadhiga weriyaasha aan ka xumahay...
  • Mohamed: Xersi Toorileh hadii umadii oo dhan iyo xataa beeshii reerka madexweynuhu ka dhashayba arkeen dhibaatada uu...
  • Mohamed: Ina Cabdiqadir wuxuu u markhaati furay shacabka somaliland ee la yaaban dawladan fadhiidka ah wuxuu yidhi...
  • Mohamed: Xersi Toorileh taariikhdiisa waxaynu ka ognahay markii laga eryey gudidii qabqaabada doorashooyinkii xiligii...