Deegaannada Somaliland ee ay ka soo yeedhayaan Qaylo-dhaanta Abaareed oo sii kordhaya iyo gobolkii ugu dambeeyey

Hargeysa-(Berberanews)- Aafada Abaarta oo sannadkii hore si weyn u saamaysay deegaannada kala duwan ee gobollada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa mar kale dib uga curatay qaybo dalka ka mid ah.

Guddoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure ayaa Maanta daboolka ka qaaday xaalad abaareed oo ka taagan deegaamada kala duwan ee gobolkaas isla markaana ugu baaqay Xukuumada,Hay’adaha Samo falka iyo Ganacsataduba sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmad loo fidiyo dadka ku tabaaloobay abaartan.

Guddoomiyaha gobolka Haw doo maanta u warramay Warbaahinta dawladda ayaa ka xog-warramay Xaaladda guud ee nabadgalyo iyo nololeed ee jiidda gobolkaas, waxaanu sheegay in xaalada abaareed oo adagi ay la soo deristay dadka iyo duunyada.

Jamaal Xuseen Hure waxa uu u soo jeediyay Xukuumada, Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa maxaliga ahiba sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka abaarta.

Guddoomiyaha Gobolka Hawd mar uu ka hadlayay dhinaca wadada isku xidhi doonta magaalooyinka Baligubadle iyo Hargaysa waxa uu xusay in hawshaasi ay haatan bilow tahay isla markaana ay ku hawlan yihiin sidii loo samayn lahaa qaadhaan ay iska ururiyaan qaybaha bulshada iyo dawlada si ay u rumowdo riyada wadadaasi.

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay in dawlada Itoobiya oo xidhiidh qoto dheeri ka dhexeeyo Somaliland ay wada shaqayn ka leeyihiin dhinaca xuduudaha.

Qaylo-dhaanta Abaarta ayaa toddobaadyadii u dambeeyey ka soo yeedhaysay deegaanno ka tirsan Gobollada Awdal iyo Selal ee Somaliland, isla markaana xaaladda biyo iyo baad la’aanta ee dad iyo duunyaba soo food-saartay ayay Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee deegaannadaas iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo booqday ka deyriyeen, isla markaana ay dawladda iyo Hay’adaha gargaarka-ba ugu baaqeen in si deg-deg ah dadkaa loogu gurmado.

Si kastba Aafada Abaarta oo sannadkii hore si weyn u saamaysay deegaannada kala duwan ee gobollada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa mar kale dib uga curatay qaybo dalka ka mid ah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.




%d bloggers like this: