Derajooyinka Degmooyinka Dalkan.(By) Abdihakim Yusuf Kheire, (B.A. M.A.) Political Science
(By) Abdihakim Yusuf Kheire, (B.A. M.A.) Political Science
President, Institute of Democracy & Governance, Berbera, Somaliland abdihakim_365@hotmail.com
Jirtoo degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland ka kooban yihiin ugu yaraan laba & afartan (42 ilaa 81) ugu badnaana kow & sideetan laakiin doorashooyinka dawladda hoose waxay ka qabsoomayaan oo keliya sadex & labaatan degmo. Sicir-bararka degmooyinka waxaa sabab u ah siyaasad xumada xukuumadii u kala danbeeyey talada dalka ilaa 1991. Akhriste labada degmo ee shirweynayaashi lagu kala ansixiyey (1990 Bali-gubadla) & (1997 Salaxley) & lixdii degmo ee aasaaska ahaa mooyee dhamaan shan & tobanka degmoo ee kale ee doorashada dawlada hoose ka qabsoomayaan waxaa kala bixiyey kacaankii & dawladii rayidka ee Somaliya (1960-69). Macnawiyan qaab-dhismeedka qarankeenu kuma salaysna nolosha waaqiciga ah ee dalka ilaa dib-ula-soo noqoshadii madaxbanaanideena! Arintani waxaa sabab u ah xiqdiga joogtada ah ee is-quudhsiga ku salaysan ee nidaamka siyaasadeenu ku shaqeeyo.
Bixinta & ansixinta degmooyinku waa inay ku salaysnaadaan siyaasad isku dheeli-tirsan oo hufan oo aan wiiqin saamiga qaranimada ee gobolada dalka. Siyaasadii Siyad Barre ee isir takoorka Isaaqu waxay ku salaysneed in degaan ahaan beelaha darafyadu (Dhulbahante, Warsangeli, Samaroon & Ciise) Isaaqa dalka kaga degmooyin bataan si aqlabiyada Isaaqu ee Somaliland muran u gasho. Tusaale sannadkii 1990 saamiga degmooyinka dalku waxay ka koobnaayeen sidan: Isaaq (10) Harti (7) Samaroon (3) & Cise (1).
| Beesha | Degmooyinka | Total |
| Isaaq | Hargeysa (A), Burao (A), Berbera (A), Erigavo (A), Gebiley (A), Odweine (B), C-Afweyn (B), Sheikh (C), Gar’adag (C), Caynaba (C). | 10 |
| Dhulbahante | Las-Canod (A), Buhodle (B), Taleex (C) & Xudun (C) | 4 |
| Warsangeli | Laq-Qoray (C), Badhan (B) & Dhahar (C). | 3 |
| Samaroon | Boorame (A), Baki (C) & Lughaya (C). | 2 |
| Ciise | Saylac (B) | 1 |
Dhinaca kale wuxuu M.I.Cigaal (AHN) tijaabiyey si taxadiran in degmooyinka lagu saleeyo abtirsiin sharci oo ka tafiiranta lixdii degmo ee lixdankii ee lixda gobol loo laba-jibaaray. Cigaal wuxuu bixiyey sagaal & toban (19) degmo oo badankoodu ku salaysan yihiin waax-degmooyinkii (sub-districts) lixdamaadkii ee Xildhibaanada laga soo dooran jiray. Degmooyinka waxaa ka mid ah Maydh, Xiis, Hadaftimo, Xiin-galool, Yagoori, Boocane, Duruqsi, Bulaxaar, Mandheera, Dila, Cadadley, Las-Geel & Qoryaale. (Warsame Weyne & Qoryaale maxaa laga yeelayaa baa caan baxday lixdamaadkii ka dib markii xildhibaan baarlamaankii kaga dhex tiraabay).
Derajada degmooyinkan waxaa lagu hakiyey (D) ama degmo maamul oo qudha oo leh Duqa-Degmada, Ku-Xigeenkiisa & Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose. Si loo hubiyo inay kasban karaan waajibaadka degmonimo ee horumarinta bulshada & adeega nabadgelyo, dhaqaale & siyaasadeed ee dalka. Macnawiyan demgadu ma sugi kartaa daryeelka adeega bulsho ee aasaasiga ah sida dugsi sare, cusbitaal degmo, saldhig-boliis, sariibad ganacsi, wakaalad biyo, wakaalad koronto, iwm. Jirtoo degmooyinkan u badan yihiin qaar reer miyi (Rural-districts) laakiin badankoodu way kasban karaan waajibaadkan hadii sharciyan awoodooda cashuureed la baahiyo maamul daadejina loo sameeyo. Si kastaba ha ahaatee waa fadeexad qaran in degmooyinkani ku sugnaadaan marxaladan xayiran abadan. Fadlan hoos ka daalaco shaxda guud ee degmooyinka dalka marka lagu saleeyo saamiga dadka ku nool; derajada degmooyinka, tirada xildhibaanada goleyaasha degaanka & wadarta guud ee derajadiiba & qabsoomida doorashooyinka.
Shaxda Guud ee degmooyinka:
| Derajada | Xildhibaanada Golaha | Tirada Dadka | Tirada Degmooyinka | Qabsoomida Doorashooyinka |
| A | 21 | 50,000 + | 7 | Yes |
| B | 17 | 25,000 | 5 | Yes |
| C | 13 | 12,500 | 11 | Yes |
| D | 9 | 6,250 | 19 | None |
Daraasaadka maamul daadejinta & dawlad wanaagu waxay ku salaysan yihiin in maamulka dawladnimo dadka u dhawaado. Macnawiyan in dawladnimadu ka tafiiranto rukumada bulshada. Dawladda Hoosena waa rukunka ugu muhiimsan ee nidaamka siyaasada & habdhaqanka bulshada. Waa nusqaan in 23 labaatankii degmo ee doorashooyinkii hore ee dawlada hoose ee 2002 oo qudha wali doorashooyinku ku koobnaadaan. Macnawiyan tobankaa sanadood waxba inooma kordhin; awoodii dawladnimo ma fidin, garaadkii siyaasiyiintu ma kobcin, dareenkii dadweynuhuna ma dhiiraan. Maxaa degmooyinkan xayiray? Golaha Wakiiladu maxay xilkan u gudan waayeen? Ururada mucaaradka ahi maxay arrintan u gorfayn-waayeen? Saxaafadu maxay arrintan u faalayn-weyday?
Dhinaca kale degmooyinkii Mudane Dahir Riyale bixiyey maxaa laga yeelahaa? Distooriyan habdhaqanka dimoqradiyada waxaa ka reeban ku tagrifalka awooda dawladnimo xiliga kala guurka. Distorkeenu si suuban buu arintan u cayimay. Tusaale: ma banana kala dirida Golaha Wakiilada sanadka u danbeeya ee muddo xileedka Madaxweynaha.( Qodobka 56aad Farqadda 7). Waayo? Madaxweynaha maandhaytkii baa ka dhamaanaya isla markaa awoodiisii distooriga ahayd way xayirantahay. Macnawiyan Goboladdii & degmooyinkii Madaxweynuhu bixiyey ee mucaaridkuna galbiyeen qayrul distoori bay ahaayeen. Ugu danbayn ansaxinta degmooyinka & gobollada waxaa haboon in Goleyaasha baarlamaanku ku daraan arrimaha ay ka yeelanayaan fadhiyada wada jirka ah sida ansaxinta magacaabida Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Doodaha la xidhiidha xaaladaha deg-deg ah & doodaha ku saabsan aafada dabiiciga ah (Qodobka 38). Arrintani waxay xakamaynaysaa in Madaxweynuhu quudhsado xuduudaha dalka oo u degmooyin & gobolo sida hadyadaha u bixiyo.
Dhamaad
Ramadaan Kariim
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19181



-
Designed by