|

Dhakhaatiirta Imaaraadka oo Walaac ka Muujiyey Xayeysiisyo Internet-ka Lagu Baahiyey oo ku Saabsan Kalyo Iib ah

Custom Search

Caafimaadka-(Berberanews/Jamhuuriya)-Dhakhaatiirta caafimaadka ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa walaac weyn ka muujiyey xayeysiisyo baraha internetka lagu baahiyey oo lagu sheegay in la hayo kalyo iib ah.

 

Sida uu daabacay shalay wargeyska Gulf News ee Imaaraadka ka soo baxa, xayeysiisyada baraha internetka lagu baahiyey waxa ku qoran weedho ay ka mid yihiin; “Qaaligaygii kelyana u bukay, haddaad raadinayso keli degdeg ah oo laguugu deeqo fadlan la xidhiidh telefoon lambarkan…”

 

Haseyeeshee, wargeysku ma shaacin magaca qofka xayeysiinaya kelyaha dadka ee iibka ah, halka dhakhaatiirta kelyaha ee adduunku ay aad uga digeen khataraha caafimaad-darro iyo caqabadaha dhaqaale ee arrintaasi leedahay.

 

“Dhibaatada noocan ah waxay albaabka u furaysaa in xubnaha jidhka laga ganacsado, waayo dadka kelyuhu bukaan aad bay u fara badan yihiin, waxaanay arrintantani dabka ku qabanaysaa in kelyuhu noqdaan wax suuqa si caadi ah looga iibsan karo.” Sidaa waxa yidhi Dr. Sameh El Sayed oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada kelyaha aadanaha.

 

“Macaanku waa ka ugu weyn ee sababa kelyo-xannuunka, dalka Imaraadkuna wuxuu hoggaanka u hayaa cudurka macaanka, sidaa darteed ka ganacsiga xubnaha dadka haddaan laga hortegin wuu sii badanayaa,” ayuu sii raaciyey Dr. Dr. Sameh El Sayed.

 

Ka ganacsiga xubnaha jidhka bani’aadamku waxay mamnuuc ka tahay guud ahaan waddanka Midowga Imaaraadka Carabta, iyagoo masuuliyiinta dalkaasina sheegay in tallaabo adag laga qaadi doona dadka xayeysiisyadaas baahiyey

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19294

Posted by on Aug 5 2012. Filed under CAAFIMAADKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta