|

DHAMBAALKA MADAXWEYNAHA EE CIIDA BARAKAYSAN EE CIIDAL FIDRIGA

Custom Search

CIID MUBAARAK —— CIID MUBAARAK —- CIID MUBAARAK

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Hambalyo iyo bogaadin  u dirayaa shacbiga Somaliland (meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba), iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda  Ciida Barakaysan, ee Ciidal Fidriga  awgeed

Madaxweynuhu, isagoo shacbiga la  wadaagaya farxadda ciidda waxa uu  illaahay ka  baryayaa in uu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee ramadaan, innagana   uu naarta  innagga xorreeyo. 

waxaanu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu reeyo.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awegeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan waxaanu ilaahay uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo.

Madaxweynuhu isaga oo ka faa’iidaysana munaasibada CIIDA barakaysan, waxa uu shacbiga ugu baaqay inay dhammaan isa-saamaxno, una midoobaan adkaynta nabad-galyada iyo dhismaha QARANKA SOMALILAND…. saamax-naakum.

Sidoo kale maalinta beri ah ayuu madaxweynuhu Khudbad u jeedin doonaa bulshada Somaliland, Salaada Ciidal Fidriga ka dib.

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19735

Posted by on Aug 18 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta