|

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Madaafiic lagu garaacay Degmooyinka Shibis iyo Boondheere

Custom Search

Muqdisho-(Berberanews)- Ugu yaraan illaa saddex qof oo shicib ah oo ay ku jirto Hooyo ummul ahayd, ayaa ku dhintay Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo xalay lagu duqeeyay degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana duqeymahan ku dhaawacmay in ka badan 16-qof oo kale, kuwaasoo lagu eedeeyey inay degmooyinkaa ku garaaceen Malleeshiyada Al-Shabaab.

Hoobiyeyaashan oo aan la garaanyn halka ay ka yimaaddeen, balse masuuliyiinta gobolkku ku eedeeyey inay ka dambeeyeen Malleeshiyada Al-Shabaab oo meelo ay ku dhuumaalaysanayaan ka soo rideen, ayaa waxay ku dhaceen guryo ay daggan yihiin dad shacab ah iyo kaam ku yaalla degmada Boondhere, halkaasoo ui ka dhashay khasaare fara badan.

Qaar ka tirsan dad goob-joog ahaa markii Madaafiicdaas xalay ee degmooyinkaa ku soo dhacayeen, ayaa qaybaha warbaahinta uga warramay siday wax u dhaceen ee ay arkayeen ama la kulmeen. “Kaamka aan dagganahay oo ku yaalla Boondheere waxaa kusoo dhacay hoobiyeyaal waxaa ku dhintay laba qof oo midkood dhiig bax u dhintay, waxaana ku dhaawacmay 16-qof oo kale oo ay ku jiraan hooyo iyo saddex caruur ah oo ay dhashay.” Sidaa ayuu yidhi goob-jooge ku sugnaa goobta ay ku dhaceen Hoobiyeyaasha qaarkood.

Dhaawacyada ka dhashay duqeynta ayaa qaarkood isla xalay la gaarsiiyay isbitaallada Keysaney oo ku yaalla duleedka Bari ee Muqdisho iyo isbitaalka Madiina oo ku yaalla dhinaca Koonfureed ee caasimadda. Iyadoo hoobiyeyaal ku dhacay degmada Shibbis ay ku dhimatay haweeneyda uurka leh.

Malleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegtay inay xalay lix mdafac ku weerareen madaxtooyada Soomaaliya, balse aanay dad shacab ah duqaynin, hase ahaatee, lama oga khasaaraha ay geysteen, iyadoo hoobiyeyaashii khasaaraha geystay ee ku dhacay degmooyinka Boondheere iyo Shibbis ay tiradoodu ahayd sideed hoobiye.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in madaafiicdu ay ka imaanaysay dhinaca Waqooyi ee Muqdisho halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo sidoo kale uu iska-horimaad kooban ku dhexmaray xaafadda Carrafaat ee degmada Yaaqshiid ciidamada dowladda kuwa Midowga Afrika iyo kooxo hubeysan.

Lama oga in iskahorimaadkan iyo hoobiyeyaashu ay wax xidhiidh ah lahaayeen, balse arrimahan oo dhan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya sheegay inay muhiimadda koowaad siinayaan sugidda ammaanka guud ee dalka.

Duqeymahan ayaa waxay argagax weyn geliyeen dadkii ku noolaa degmooyinka iyo kuwa ku dhow, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo duqeymo noocan oo kale ah ay ku dhacaan degmooyin Muqdisho saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

info@berberanews.com

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=20813

Posted by on Sep 20 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta