|

Dib u milicso Suugaanta laga tiriyey 52 sano ka hor markii Somaliland Xornimada ka qaadatay Ingiriiska

Custom Search

Waxaynu xusaynaa Gabay Maskaxda dadka Soomaalida ah, gaar ahaan reer Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska-ba Maskaxdooda ku suntan oo uu Illaahay ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Suldaan Tima-cadde ka tiriyey dabbaal-deggii xornimada Somaliland 26-kii Jun3 1960-kii, Gabaygaas oo la yidhaahdo ‘Kanna Siib Kanna Saar’.

Waa Gabayga hoos ku qoran oon odhan karno waa Gabayga ugu muhiimsan Gabayyada Abwaannada Somaliland ku qaabbileen xornimadii lixdankii.

Wax kasta Gabayaaga reer Somaliland  way ka Gabyeen, Adduunayada waxa looga yaqaannaa inay yihiin Gabayaa aan lala tartami karin. Illaaahay naxariisti Janno ha ka waraabiyee, Maalintii

Somaliland Gobannimada ay qaadatay 26-kii juun 1960-kii ayuu Gabaygan ka tiriyay goobtii laysugu yimid ee lagu dajinayay Calinkii Ingriiska, laguna saarayey Calankii u horreeyey ee dal Soomaaliyeed la siiyo dunida oo ay Somaliland ka qaadatay Maxmiyaddii Ingiriiska, kaas oo laga taagay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Gagadaasoo dad aad u badan oo reer Somaliland ahi isugu yimaaddeen. Gabayaaga maalintaa goob-joogga ahaa waxa ka mid ahaa Abwaan Qaasim iyo Abwaan Cabdi Idaan oo iyaguna ka tiriyay  tixo Gabay ah oo kala geddisan.

Cabdillaaahi Suldaan Tima-cadede isagoo ka hadlaya qiimaha xorriyadda iyo calanku leeyahay, dhibaatooyinkii loo soo maray iyo meesha uu kaga yaallo ummadda Somaliland ayuu Gabaygan tiriyey. Waxa gabaygaa tiradiisu ahayd 126 bayd. Waana kan Gabaygaas Kanna Siib kanna Saar oo qoraal ahi:

 

“Anigoo sebi uun ahoo         Sita leeb iyo qaansoo

Siigaduun isku aasoo         Sabo reer ka fogaanoon

Laygu aaminin soofkiyo       Saaca maanta aan joogno

Gabaygu waygu sugnaayee      Haddii aan Sarsarriigo

Ama aan surmaseejo           Amaba aan sixi waayo

Ama aan ka salguuro          Amaba laygu saluugo

Soomaalida i maqlaysaay      I su’aala hadhow

 

Illaahaan waxba seegine       Subaciisa Quraankiyo

Sabbaxooyin ku sheegayow     Saciira iyo naciima

Rabbiigii kala seerayow`     Markay suurtu dhawaaqdo e

La soo saaro makhluuqa e     Shaqiga iyo saciidka

Maalintaad kala soocdo       Dembigaannu samaynay

Rabbigayow naga saamax

 

Subciyay oo ka dukeeyaye     Ka siddeetan sebaaney

Calankaannu sugaynaye        Sahankiisa ahaynow

Seermaweydo hillaacdayow     Sagal maanta darroorayoo

Siigadii naga maydhayow      Saq dhexaannu ahayne

Kii soo saaray cadceeddow    Samada kii u ekaaye

xiddigaa mid la siiyayow     Saaxirkii kala guurrayeaha

Sarreeyow ma-nusqaamow       An siduu yahay eegno e

Kaana siib Kanna saar

 

Saahidiinta lslaamka e       Subcisaa Jimcayaashiyo

Sibyaanta iyo haweenku       Calankay Saadinayeenow

Cidina kaanay na Siine       Saatir noogu yaboohayow

Saaxirkii kala guurraye      Sarreeyow ma-nusqaamow

Aan siduu yahay eegno e      Kaana siib kanna saar

 

Sallaankii istiqaalkow       Sedadu kay ku xidhnaydow

Sayruukhii Afrikaadow        Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow       An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

 

San-ku-neefle dhammaantii     Khalqiga kii u sinnaayeen

Mid saaxiib la ahayne         Sangalkii iska diidayow

Saaxirkii kala guurraye       Sarreeyow ma-nusqaamow

Aan siduu yahay eegno e       Kaana siib kanna saar

 

Soomaloo iscunaysa oo         Saqda qaylo dhawaaqdiyo

Sulub laysu cabbaystiyo       Hadba soof la xabbaadhiyo

Saraayaa dami weyde           Kii laydhiisu na saaqdayow

Kii sadqeeyey qabaa’ile       Isu saaray gacmaa ee

Saf walaala ka yeelayow       Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow        An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar

 

In sidayda tihiin iyo        In kalaanan saxaynine

Soomaloo calan taagta        Saakay noogu horraysa oo

Saddex wiig iyo maalmo       Haddaan Soor cuni waayo

Safrad laygama yaaboo        Sarina mayso naftayda e

Saaxirkii kala guurraye      Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e       Kaana siib kanna saar

 

Nimankii na Siraayaye        Waaxwaax noo kala saaftaye

Solanaayey cadkeenna e       Innagoo dhexda suunku

Sabarkeenna qarqooray        Kii sedkeenna Cunaayaye

Sarartiisa ka muuqdaye       Surwaalkii ka yaraadaye

Daaro loo sibidheeyiyo       Sariiraa lagu seexdiyo

Kabadh suuf laga buuxshiyo   Mid baabuurka safeeyiyo

Aayad saarta carruuurtiyo    Sagaal boy iyo kuug iyo

Weliba seeksa lahaa          Kii saabaanka u laabayow

Saaxirkii kala gaurraye      Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e       Kaana siib kanna saar

 

Sawjarkaa hubka qaataye      Intuu soodhka ku taagey

U diyaara salaantiyo         Saraakiisha amraysaay

Sifihii isticmaarka          Ka siyaadiya maanta oo

Sibilkiinnan ag joogow       Sibirtiisa istaaga oo

Nin walbaan sigib beeloo     Sarow taaga gacmaa oo

Sacabkaysku garaaca oo       Nin walbow saddex goor

Subxaanow waa mahaddaa dheh

 

Subxaanow waa mahadaa

Subxaanow waa mahadaa

Subxaanow waa mahadaa!”

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17817

Posted by on Jun 25 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta