Berbera News | Daily News Update

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo heshiisyo kala saxeexday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise  Khamiistii kula kulmay magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry.

Wada-hadalka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarray xidhiidhka walaalnimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo habkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, waxa ayna is dhaafsadeen aragtiyadooda dhacdooyinka iyo horumarka gobolka iyo dunida.

Kaddib markii uu dhamaaday wadahadalka ballaadhan, waxaa saxiixa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar.

Xigasho Hiiraan online