Dufcaddii 4-aad oo ka Qallinjebisay Jaamacadda Hope iyo Masuuliyiin & Shaqaale Dawladeed oo ka mid Noqday

Hargeysa (Berberanews)- Dufcaddii 4-aad ee ka qallinjebisa Jaamacadda HOPE qaybteeda magaalada Hargeysa, ayaa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) shalay guddoonsiiyey shahaadooyinkoodii.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey qallinjebintaasi oo lagu qabtay maanta huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Kalluumaysiga, agaasimayaal, xildhibaanno, aqoonyahan, maamulka iyo macallimiinta jaamacadda iyo marti sharaf kale, waxa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey 43 arday oo shahaadada Degree-ga ka diyaariyey kulliyadaha Ganacisga iyo Tiknoolajiga, kuwaas oo ay ku jiraan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Maxamed Aadan Cilmi (Ila-case) iyo shaqaale tiradoodu ka badan labaatan oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Gudoomiyaha Jaamacada Hope Unversity Prof. Najiib Sheekh Cabdikariin oo hadal ka jeediyey xafladaasi, ayaa farxad ku tilmaamay in dufcaddii afraad ka qallinjebiyaan jaamacadda Hope, isagoo rajeeyey inay noqoto mid muddo badan kale soo saarta aqoonyahan reer Somaliland oo dalkooda iyo dadkoodaba anfaca.

Prof. Nabiig waxa uu sheegay in ardayda qallinjebisay oo isugu jirta laba qaybood ay ka mid yihiin shaqaale dawladeed oo qaarkood waqti dheer soo shaqaynayeen, balse jaamacaddu tilmaamo iyo aqoon kooban ugu dartay waayo-aragnimadoodii, “Waad ogtihiin oo magaalada aqoonta tiknoolajiga iyo maamulka ganacsigu way ku badatay, inta shaqo bixisaana way kooban yihiin, laakiin firkadda ah in qofku naftiisa u shaqeeyo weli lama garan, taasi ayaa keentay in aannu ka fikirno haddii ay shaqo tagayaan dhallinyaradu in aanay noqon qof aqoontiisu xadidan tahay, sidaa darteed waxaannu isugu darnay laba arrimood oo ah aqoontii ganacsiga ee kala ahayd; suuqgeynta, xisaabaadka iyo maaraynta ganacsiga iyo tiknoolajigii barogaraamka la samaynayey, kuwaas oo jaamacadaha kale ku kala dhigaan ilaa saddex kulliyadood ama degree, laakiin ardayda maanta (shalay) qallinjebinaysaa waxay isku haystaan hal degree oo cilmigaas ah,” ayuu yidhi Prof. Nagiib.

Wasiirka Wasaaradaha Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo xafladdaas ka hadlay ayaa hambalyeeyey ardayda qallinjebisay oo Alle uga baryey in cilmigoodu anfaco dadka iyo dalkaba, waxaannu si gaar ah uga hadlay ardayda ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo uu sheegay in wasaaraddiisu baahin weyn u qabtay inay hesho shaqaale heer jaamacadeed ah, “Waxaynu u baahannahay dad aqoontii, iimaankii iyo ammaannadii wada leh,” ayuu yidhi Md. Samaale.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Ayaanle oo ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa hadallo ay halkaasi ka jeediyeen ku soo dhaweeyey ardaydaasi dhammaysatay waxbarashada jaamacadeed. Waxa kale oo ay ka warrameen qiimaha aqoontu leedahay iyo sida aanay dhammaad u lahayn ilaa uu qofku ka dhinto.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo soo gunnaanaday munaasibaddaasi, ayaa sheegay in siyaasadda xukuumaddoodu ee ku wajahan dhinaca waxbarashada sare ay tahay in la tayeeyo ardayda ka soo baxaysa jaamacada dalka.

“Waddan kasta horumarkiisa iyo waxa uu hiigsanayo waxa wax ka beddela kolba inta uu aqoon yeesho iyo sida jiilalkiisu wax u bartaan, Somaliland muddadii ay jirtay dadaalkii badnaa ee ay soo gashay ninba in uun buu ku lahaa, waxaanna ugu muhiimsan taa aqoonta oo ah tii bini’aadamka dhisaysay, waxaannuna u mahadnaqaynaa aqoonyahanka sida Prof. Nabiig ee aasaaska aqoonta dalkooda dibadaha uga yimi,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Waxa kale oo uu kula dardaarmay ardayda qallinjebisay inay aqoontooda uga faa’iideeyaan dalka, isla markaana aanay u qaadan inay cilmiga dhammeeyeen ee ay sii wataan.




%d bloggers like this: