|

Ergooyinka Wadahalka Somaliland iyo Somalia oo miiska wada-fadhiistay goob ka caagan saxaafadda

Custom Search

London-June,20,2012-(Berberanews)-Ergootyin ka socda Somaliland iyo Somalia, ayaa  markii u horraysay miiska wadahadalka isugu yimi Guriga Chevering House ah hooy uu ku nasto u ah  Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, kana baxsan magaalada London.

Shirka oo ay martigelisay dawladda Britian wuxuu daba joogaa shirkii London loogu qabtay Soomaalida oo bishii Fberuary ee sanadkan 2012, waxaanna shirka maanta ka furmay London goobjoog ka ahaa diplomaasiyiin ka socda Midowga Yurub, Britian, Norway  iyo masuulliyiin kale.

Shirka oo socon doona laba maalmood waxa ergooyinka Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaana wehliya Wasiirro iyo mudanyaal baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe.

Dhinaca TFG waxaa hoggaaminaya, Cabdisamad Macallin Maxamud, oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga waxaana ka mid ah Wasiir, General hore oo hadda safiir ah iyo xildhibaanno.

Shirka ka furmay London oo saxaafadda aan loo ogolaan, haddii is-afgarad horhdca ahi dhexmaro labada dhinac waxa uu horseedi doonaa wadahadal rasmiya oo dhexmari doona Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waa kii ugu horreeyay ee ay Somalia iyo Somaliland si rasmi ah isu soo hor fadhiistaan tan iyo markii ay Somaliland iskeed ugu dhawaaqday in ay gooni isu taagtay oo ay tahay dal ka madaxbannaan wixii laysku odhan jiray Somalia 1991-kii, ka dib halgan dhiig badani ku daatay oo dhexmaray  Jabhaddii SNM iyo xooggagii Kelitaliska Ziyaad Barre.

Berberanews.com

info@berberanews.com

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17498

Posted by on Jun 20 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta