|

Euro 2012: Boliiska Poland Oo Xabsiga Dhigay 14 Taageere Ka Dib Qalalaase Dhacay.

Custom Search

Poland (Berberanews Sports):- Boliiska dalka Poland ayaa sheegay inay xidheen ilaa iyo 14 taageere kuwasoo qayb ka ahaa dagaal dhexmarayt taageerayaal ka hor kulanka caawa ee Ireland iyo Croatia.

Dagaalka oo ay ku jirtay dhalooyin iyo kuwaas la isku tuurtuuray ayaa waxa uu dhacay 1dii habeenimo ee xalayto, iyadoo ay isku dhaceen taageerayaal ku sugnaa meel la isagu soo baxo oo ku taala Poznan.

Sarkaal boliiska ka tirsan Andrzej Borowiak, ayaa sheegay inay xidheen 10 taageere Poland ah, seddex Ireland u dhashay iyo hal Croatia u dhashay, waxaana weli ay raadinayaan sababtii keentay dagaalka.

Dhanka kale Russia ayaa laga yaabaa in ganaax ay kala kulanto UEFA ka dib markii taageerayaashooda ay weerareen ilaaliyaasha garoonka ka dib ciyaartii ay 4-1 kaga badiyeen xulka Czech.

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17056

Posted by on Jun 10 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta