Fabregas: Waa Waxba Kama Jiraan In La Ila Barbardhigo Messi, Laacibka Ugu Fiican Taariikhda Abid.
Spain (Berberanews Sports):- Cesc Fabregas ayaa diiday in la la meel dhigo qaab ciyaareedkiisa xulka Spain Lionel Messi qaabkiisa Barcelona, isagoona iska fogeeyey isbarbardhiga lagula sameeyey mucjisada reer Argentina.
Kabtankii hore ee Arsenal ayaan ahayn weeraryahanka dhexe laakin La Roja ayaa ku aamintay booska Numberka sagaalaad. Fabregas ayaana lagu amaanay inuu u ciyaarayo sida ciyaarayahna ay kawada tirsan yihiinn Blaugrana.
“Weligeey nafsadeyda lama barbar dhigin Lionel Messi,” ayuu u sheegay suxufiyiinta isniintii [shalay] .
”Waa waxba kama jiraan . Hadba waxaan ka ciyaaraa meeshii uu tababaraha ii sheego”.
“Ma qabo inaan ka hadalno isbarbardhiga la igula sameynayo Messi, madaana uu iga duwan yahay. Waxaan ka hadlayaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid ee caalamka soo mara”.
“Haa, waxaan dareemaa raaxo iyo xoriyad inaan booskaas ka ciyaaro. Lakiin in la ila barbardhigo Messi waa ka badbadin. Messi waa shaqsi, Cesc Fabregas-na waa shaqsi kale”
“Ma u maleynaayo inuu jiro qof aniga iga filanaya inaan maro shan ciyaaryahan oo aan dhaliyo gool. Waxa la iga filanayaa inaan baaso kubada ugu danbeysa ama in la ii soo dhigo kubada ugu danbeysa”.
Mustafe Maxamud
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17807




-
Designed by