Berbera News | Daily News Update

Falanqayn: kulammada Senegal Vs Poland & Ruush Vs Masar

Waddankii 5aad ee ka mid ah dalalaka qaaradda Afrika uga qayb galaya koobka adduunka, Senegal, ayaa caawa cayaartiisa ugu horraysa la yeelanaya kooxda Poland oo ay ku wada jiraan guruubka A.

Masar oo hore looga soo badiyey waxay cayaarteedi labaad la yeelan doontaa Ruushka oo dalkiisa lagu cayaarayo.

Waxaan qormadan ku eegaynaa rajada ay qabaan labadaas dal ee Afrikaanka ah iyo Fursadaha ay haystaan. Falanqayntan waxaa samaysay Nasrokiin Xaashi Nuurre oo ka faalloota isboortiga, haatanna ku sugan dalka Ruushka.

Ruushka Vs Masar

Labadan kooxood waxay ku wada jiraan guruubka A.

Ruushka wuxuu wataa 3 dhibcood, wuxuuna hore uga soo badiyey 5-0 Sacuudiga cayaartii furitaanka koobka adduunka.

Waa dalka martigalinaya cayaaraha, waxaana mar walba aad u badan taageerayaasha Ruushka u sacab tumaya.

Durbaba taageerayaashaas waxay sawirro muujinaya taageeradooda ku dhejiyeen magaalooyinka dalkaas.

Koox ahaan waxaa sarraysa niyaddooda iyo rajadooda, waxaase dhaawac uga maqnaan doona laacibkooda ka dheela weerarka ee Aleksandr Kerzhakov.

Masar waxaa Jimcihii 1-0 uga soo badiyey Uruguay. Waxay ka mid ahayd dalalka aadka loogu hanweynaa in ay ka soo gudbayaan wareegyada.

Ayaga iyo Ruushka waxaa la sheegaa in ay isku awood yihiin, waxayna rajada soo bixidooda ku xirnaan doontaa inay ka badiyaan Ruushka.

Haddii ay barbarro galaan rajadoodu waxay noqon doontaa mid liidata.

Waxaa aad loo hadal hayaa in uu safan doono Mo Salah. Masar way ku khasban tahay inay Mo Salah garoonka keento, si ay isu kaashadaan isaga iyo cayaartoyda kale ee khibradda leh sida Mohamed el Neny.

Senegal Vs Poland

Kooxda Senegal waa cayaartii 1aad ee ay yeelanayso.

Waxay kaloo guruubka H ku wada jiraan Colombia iyo Japan oo iyagana caawa wada dheeli doona.

Poland waa koox adag oo koobka adduunka hore uga soo qayb gali jirtay, wadatana laacibiin adag sida Robert Lewandowski iyo goolhaye Lukasz Fabianski.

Senegal qudheeda lama dhayalsan karo oo waxaa weerarka hore u taagan Sadio Mane, laakinse waxaa khasab ku ah inay ka badiso Poland, waayo uma sahlanaan doonto inay garaacdo kooxda Colombia oo ka mid ah kooxaha la filayo inay aad u adag yihiin tartankan.

Waxaa kale oo Senegal lagu eegayaa il gaar ah, maadaama afartii kooxood ee Afrikaanka ahaa ee ka horreeyey dhamaantood laga wada badiyey.

Xigasho Bbc Somali