|

Fernando Torres Oo Ku Guuleystay Kabaha Dahabka Euro 2012.

Custom Search

 

Spain (Berberanews Sports):- Fernando Torres ayaa ku guulaystay kabaha dahabka koobka Euro 2012 ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii seddexaad ciyaartii finalka ay Spain ku qaadeen koobka qaramada yurub.

28 jirkaan ayaa dhaliyay seddex gool waxaana uu sidoo kale caawiye ka noqday gool kale, halka Gomez uu sidoo kale sidaasi sameeyay balse labada weeraryahan waxaa daqiiqado yar ciyaaray Fernando Torres sidaasi ayuuna ku qaatay kabaha dahabka Euro 2012.

Dad badan ayaa la yaab ay ku noqoneysaa in kabaha dahabka Euro 2012 uu ku guuleysto ciyaaryahan xulkiisa aanay inta badan isticmaalin No 9 sax ah, lakiin Fernando Torres ayaa goolkii uu dhaliyay ciyaarta finalka iyo goolkii uu caawiyaha ka ahaa waxa ay u sahashay inuu qaato gooldhalinta Euro 2012.

Torres ayaa goolashaas iyo caawintaasba ku sameeyay 189 daqiiqo oo uu ciyaaray, halka Gomez oo isna goolasha iyo caawinta kala mid ah Torres uu ciyaaray 282 daqiiqadood.

Torres ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee labo final oo qaramada yurub ah gool ka dhaliya.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18062

Posted by on Jul 1 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta