Berbera News | Daily News Update

Gaadiidka dadweynaha ee Hargeysa oo shaqo joojin sameeyay

Hargeysa-(Berberanews)-Gaadiidka u kala goosha xaafadaha magaaladda Hargeysa ee looyaqaan Basas-ka ayaa maanta gabi ahaanba shaqooyinkii joojiyey ka dib markii ay ka cawdeen gaadiidka Taksiyadda yaryar oo shaqooyinkoodii ka qaaday.

Guddida Basaska ayaa sheegay in ciidanka amnigu wax ka qaban waayey amar ka soo baxay dawladda hoose ee Hargeysa oo lagu kala xadaynayo gaadiidka yaryar iyo Busaska, ka dibna ay ka baqeen inay isku dhacaan labadda gaadiid, taasina ay keentay inay iyagu door bideen inay shaqooyinkii ay dadweynaha u hayeen joojiyaan inta wax laga qabanayo.

Gudoomiyaha Basasleyda Cabdikarim Axmed Yuusuf ayaa sheegay in markii wax laga qaban waayey, isla markaana ay ka baqdeen inay gacmaha iskula tagaan ay lanoqotay inay joojiyaan Busaska.