Gabayga 13aad “Saaka dhalay” ee Silsiladii Sallaamaley
Berberanews-(Suugaan)-Gabaygan magaciisa waxaa la yiraa: “Saaka dhaley” wuxuu ka mid yahay Silsiladda “Sallaamaleey” ee siinlayda ah, oo ay ka qaybqaadanayan abwaaniin badan oo Soomaliyeed, loogana maansoonayo xal u helidda dhibaatada haysata umadda Soomaaliyeed iyo sida ugu wanaagsan oo ay isu fahmi karaan labada Gobol ee Waqooyi iyo koonfor.Gabaygani wuxuu jawaab u yahay gabay uu horay u tiriyay Abwaan khadar xasan aadan (Khadar Jinni) oo uu ugu magac daray “Sasaba diid”. Gabaygiina waa sida tane ka bogasho wacan:
1. Sideedaba murtida Waanigii, saahid ka ahaaye
2. Anigaaba sooriyo ka bixin, sumallo waaweyne
3. Anigaa subeeciyo u xiri, Suuman iyo Shaale
4. Soo dhawowna anigaa ku oran, saac kastoy tahaye
5. Saxarkana ka dhowraye anaa, saxa wanaaggeede
6. Siinleeydan caanka ah anaan, sina u moogayne.
7. Afartaa saleeyaye Ragyahow, siin ma ka higaadshay
8. Sa’dii ugu horreysiyo miyaan, surinkii waydaarshay?.
9. Afar kalana sidey ilatihiyo, sixitinkeygii dheh
10.Sokeeyaha qaraabiyo intii, seeddi iyo wiil leh
11.Oo Soomaali sumaddoodu tahay, sowdna kala sheegan
12.Oo Subaca Diintiyo Sunnada, kala saluugeynin
13.Seeraha gumeystuhu dhigiyo, kii ku kala soocay
14.Walibana sinnaantiyo midnimo, saaka garaneynin
15.Soomaali iney kala ga’dana, suurka u afuufay
16.Sidaad doonto may noqonninoo, Waa sutuxantiiye
17.Sacab Tima ku yaal weeya oo, mana’ ay suurowdo
18.Si kastooy u dirirtooy dagaal, Seef isugu qaado
19.Si kastooy Suug iyo gantaal, Seyr isugu layso
20.Seere kalama dhigan jirin Marnaba, surummo waaweyne
21.Suldaan iyo Duqowdaa talada, Laga sugaa jeere
22.Sidaasuu ahaan jirey samow, Aradka soomaale
23.Saakana kamey tagin siday, Saban ahaayeene
24.Yaa Soomaali kala goynayoo, saaka dakanoobi?.
25.Afartaa saleeyaye Ragyahow, siin maka higaadshay
26.Sa’dii aan ka qadiyo miyaan, surinkii wadaarshay.
27.Afar kale Sallaamaleey-dan[1] iyo, Siinka kii curiyay[2]
28.Salaama la yeelyow walaal, surinka aad jiirtay
29.Soomaali iney kala tagtiyo, seera kala goyska
30.Sinji qura Inaan wada nihiyo, sowraciyo dhiigga
31.Saba qura inaan wada dagniyo, soohdin kaligeeda
32.So’ Sagaaro siko may laheyn, sarakac mooyaane!
33.Soo dhaweyn gobeed iyo, haddaad sooryo iga dooni
34.Horta yaa la siin saamiyow, sow hal qura miihin?
35.Sabadaa Hargeysiyo dalkiyo, Suuqa Xamar weyne
36.Soonaha Caseyriyo ilaa, sabada Kaanbooni
37.Sow kaaga maahuun dhulkaad, kala suntaysaahi?
38.Saliid iyo haddii ay dhextaal, subagga ceyriinka
39.Ama suluf abaar uu yahoo, saantu gubaneyso
40.Ama uu Sareediyo nimciyo, dahabku seerdhaafo
41.Saracuna baxuu howra uu, suuq kastaba yaallo
42.Si kastuu ahaadaba adigu, saaka yaad dhaafsan?.
43.Afartaa saleeyaye Ragyahow, siin maka higaadshay
44.Sa’dii aan ka qadiyo miyaan, surinkii wadaarshay.
45.Afar kalana sadar aan rabiyo, Iga su’aaluun dhe
46.Sida uu “Jinni”ba [3] rabey, hadduu sadar ku soo sheegay
47.Si kalaa gadaasheeda taal, sina aan loo seegin
48.Soomaalinima iyo wanaag, sina aan loo seegin
49.Saaxib iyo qaraabaa agtaal, sina aan loo seegin
50.Sahankaagu yuu noqon walaal, soofka Dabagaalle!
51.Sadaashu waa khayr walaal, sama jecylkeede
52.Soomaliyana waa miduun, saban kastooy gaadho
53.kii “Saaka dhaley” [4] uun ka noqo, taa nawada saaqdey.
Waxaa Tîrisay
Farxiya Xuseen Cumar
Qeex iyo qodob bixin:
1- “Sallaamaleey” magaca Silsiladdan.
2- Waa Abwaanka billaabay Silsiladda ee Xasan Abiib Faarax(Xasandaaci)
3- “Jinni”: Waan Naynaasta Abwaan: Khadar Hassan Aden (Khadar Jini) oo lahaa gabaygii Gaabygii: “Sasabo diid” ahaana gabaygii sagaalaad, ee Silsiladda “Sallaamaleey”
4- “Saaka dhaley” Waa magaca Gabaygan(waxay la macne tahay Xalay dhalay oo saamaxaad iyo is cafis )
FG: Haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Silsiladdan suugaaneedee Siinleeyda ah ee “Sallaamaley” haddii ay jiraan talo, tusaale iyo toosin, waxaad kala xidhiidhi kartaa magacyadan hoos ku qoran:
1.Xasan Faarax Abiib (Xasandaaci) daaci77@hotmail.com
2. Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com
3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=14548



