Go’aan ka soo baxay Shir lagaga hadlay arrimaha Soomaaliya oo kooxda xidhiidhka caalamiga ah uga socday Jabuuti
Jabuuti-(Berberanews)- Shir magaalada Jabuuti uga socday Kooxda xidhiidhka caalamiga ah ee ICG oo lagaga hadlayo arrimaaha Soomaaliya oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan afartan dawladood oo dunida isaga yimi iyo dhinacyada Soomaaliya, ayaa galabta lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyaddaas.
Shirkan oo ka sokow afartanka dawladeed ee dunida iskaga yimi ay ka qaybgaleen Ra’iisal wasaaraha dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Gaas, Xildhibaanno Baarlamanka Soomaaliya ka socda, Madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug.
Ra’iisul wasaaraha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee SoomaaliyaSoomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali, oo xidhitaankii shirkaas oo lagaga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa arrimaha qasan ee dhinaca amniga iyo arrimaha bulshada, ayaa khudbad ka jeediyey. Waxaanu hadalkiisu u badnaa warbixin, talo-soo jeedin iyo codsi uu u diray beesha caalamka iyo kooxda ICG.
Waxaanu ka dalbaday dunidu inay dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya lagala shaqeeyo sidii loo sugu lahaa amniga, isla markaana ay dawladdu gacanta ugu qaban lahayd maamulka dalka Soomaaliya oo dhan.
Waxa kale oo uu ka codsaday beesha caalamka Ra’iisal wasaaruhu inay dawladda kala shaqeeyaan sidii kaabayaasha nolosha bulshada ee dalka Soomaaliya dib loogu abuuri lahaa, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, shaqo abuur iyo waxyaabaha la midka ah ee bulshadu u baahan tahay.
Waxyaabaha shirka sida tooska ah loogaga hadlay shirkaas waxa ka mid ahaa arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo kooxaha Al-Shabaab. Waxa kaloo laga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol gaar ahaan degmooyinka iyo gobollada laga xoreeyo Al-Shabaab, waxa si gaar ah looga hadlay Shirka magaalada London ee dalka Ingiriiska dawladda dalkaasi Soomaaliya ugu qabanayso 23 February 2012, oo la isku raacay in shirkaas uu noqdo mid maslaxadda Soomaaliyeed ay ku jirto oo looga hadlo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha amniga.
Ugu danbeyntii waxa la isla gartay in xilliga kala guurka ah la soo afjaro 21 August 2012, isla markaana la dar-dar geliyo dhameystirka Dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka oo la isku raacay in baarlamaanka cusub uu noqdo mid tayo leh oo ay jiraan shuruurda sida waxbarasho, in shaqsiga uusan danbi hore u galin ama uusan soo noqon warlord, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11462





