Golaha Guurtida Somaliland oo guddi u saaray muddo-kordhinta Wakiillada

Hargeysa(Berberanews)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa saaka fadhi aan caadi ahayn oo ay iskugu yimadeen waxa ay war ka soo saareen mudo kordhintii loo gudbiyay, Iyadoona xildhibaanada loo akhriyey warqad muddo kordhinta golaha Wakiilada ah oo uu Madaxweyne Muuse Biixi u soo gudbiyey.

Gudoomiyaha golaha Guurtida ayaa markii xildhibaanada loo akhriyey warqada Madaxweynaha uga timid waxaa uu muddo kordhinta u saaray inay ka soo talo bixiyaan Guddi ka tirsan golahaasi oo ka kooban 21 xubnood isla markaana golaha war bixin ku soo celiya muddo saddex  cisho ah kadib.

Waxaa xusid mudan in warqada muddo kordhinta ee golaha Wakiilada loo gudbiyey aanay ku jirin golayaasha deeganka oo iyaguna xilkoodu dhamaanayo.

Waxaa jira warar ay bulshadu isla dhex mareyso oo sheegaya in aan iyaga wax muddo kordhin ah loo sameyn doonin, marka uu muddo xilood-koodu dhamaadana  bisha 3aad ee sanadkan ay kuraasta banayn doonan Madaxweynuhuna magacaabi doono Maayaro ku meel gaadh ah, in kasta oo warkan aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin.

 




%d bloggers like this: