Golaha Guurtida Somaliland oo Meelmariyey in doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyadda lagu galo Numbero

Custom Search

Hargeysa (Berberanews)-udanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey wax ka bedal lagu sameeyay xeerka doorashada deegaanka iyo Madaxtooyadda, kaasi oo todobaadkii hore Golaha Wakiiladu ku ansixiyeen.

Fadhigii maanta oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaga Golahaasi Md Saleebaan Maxamuud Aaden oo ay weheliyeen labadiisa ku xigeen ayaa Mudanayaaha loogu akhriyey qodobada wax ka bedalka lagu soo sameeyay, kuwaasi oo sheegayay in doorashada golayaasha deegaanka lagu gallo Lambar oo Musharixiinta Komiishanku u sameeyo Lambaro.

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 58 xildhibaan oo ka mid ah 82 Mudane ee golahaasi ka kooban yahay ayaa 56 ka mid ahi ogolaadeen in Musharixiinta deegaanka u tartamayaa Lambaro looga dhigo astaanta lagu garanayo, waxaana diiday hal Mudane, halka aanu Guddoomiyuhuna ka codaynin.

Sidaasi ayaanu ku meel maray Xeerkasi, horena waxa u soo meel mariyey golaha Wakiilada Somaliland, waxana la sugi doona cayimada koomishanka doorashooyinku ay cayiman wakhtiga doorashoyinka Golaha Deeganka oo muddo dhaafay.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19476

Posted by on Aug 11 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta