Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Deegaanka

(Berbera news) Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhi ay yeesheen manata waxay ku anisixiyeen kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyey Xeerka Doorashooyinka iyo Goleyaasha deegaanka.

Fadhigan oo uu shirguddoominayay Guddooomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, islamarkaana ay ka soo xaadireen 42 Xildhibaan waxa warbixin laga dhagaystay Guddi hoosaadka arrimaha guddaha ee golah oo ku hawlanaa Xeerkan doorashooyinka.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada ayaa warbixintaas ka dib cod geliyey Xeerkan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha deegaanka, waxaana ogolaaday 38 Xildhibaan, halka 2 ay diideen, laba Xildhibaana ay ka aamuseen , sidaas ayaanu ku ansaxay wax ka bedelka lagu sameeyey Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha deegaanka.

Berbera news.




%d bloggers like this: