Berbera News | Daily News Update

Golaha wakiillada oo ku gacansaydhay xil-ka-qaadis xildhibaan Dhakool

Hargeysa-(berberanews)Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku gacan-saydhay warqad uu xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka Somaliland u soo gudbiyey guddiga oo laga dalbanayo in xasaanadda amma xilka laga qaado Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ciidanka Boolisku dhawr habeen ka hor xabsiga u taxaabeen, iyagoo ka qabtay gurigiisa magaalada Hargeysa.

Hase-yeeshee, Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ah mudane ka tirsan golaha wakiillada, isla markaana sharci-yaqaan ah, ayaa sheegay inay warqadda xeer-ilaalintu u soo gudbisay sharci-darro tahay oo aanay waafaqsanayn qodobbada Masuul xilka lagaga qaadi karo.

Warbixinta kulanka guddiga joogtada ah ee golaha wakiilladu yeesheen maanta iyo hadalka afhayeenka guddiga joogtada ah ee wakiillada Xildhibaan Maxamed Jaamac warbaahinta warka uu siiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-


https://youtu.be/FP6D6I0xGuA