Guddiga doorashooyinka Somaliland oo ku hanjabay inaanay doorasho qabsoomi karin illaa shaqadooda lagu ixtiraamo
Hargeysa, Isniin/06/06/2012-(Berberanews)- Guddidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa markii ugu horreysay daboolka ka qaaday inaanay doorashada Golayaasha deegaanku qabsoomi karin, sababo la xidhiidha lifaaq lagu kaabay Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo dawladaha hoose oo Golayaasha Baarlamanku go’aan ku lid ah meel-mariyeen bishii hore.

Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanay doorasho dhici karin haddii aanay Golayaasha Sharci-dejinta (Guurtida iyo Wakiillada) Somaliland ka noqon ansixintii ahayd in liiska codbixinta doorashada ee musharrixiinta laga dhigo astaan, halka ay Guddiga doorashooyinku hore u soo jeediyeen in liiska musharrixiinta loogu codaynayo laga dhigo lambarro tiro ah.
Waxay Guddiga doorashooyinku ku doodeen in ballaadhnimada iyo tirada badan ee musharrixiinta Golayaasha degaanku aanay suurtogal noqon karin in lagu galo calaamado balse ay ku haboon tahay Lambaro la siiyo qofka musharaxa ah ee doorashada ka qaybgalaya. Waxaanay intaa ku dareen in xeerar dabraya qabsoomidda doorashada ay keeneen Golayaasha Baarlamanka Somaliland, sidaa awgeed-na waxay dalbadeen in la tixgeliyo, isla markaana loo soo noqdo qaabka lambarrada ee ay Guddi ahaan hore u soo jeediyeen in lagu galo doorashada Golayaasha deegaanka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey caqabadaha dhinaca sharciga ee wakhtigan taagan, waxaanu yidhi; “Annagu waxaannu dadka Wakiil uga nahay qaabka farsamo ee ay doorashooyinku u dhacayaan, Golayaasha Baarlamanku waxay sameeyeen xeerar dabraya hawlahayaga, Madaxweynaha, Ururradda iyo Xisbiyada markiii aanu u sheegnayna way nagu raaceen qorshihii aannu wadnay. Dabadeedna xeerkii baa dib loogu soo celiyey oo hadda waxa uu xeerkii yaallaa miiskooda (Baarlamanka).”
Guddoomiye Ciise-Xamari oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Haddii ay ixitiraami waayaan daneeyeyaashii doorashada sida ay u suurogalayso waxay doonayaan ayaa ah in aanay doorasho dhicin ayaan odhan karaa, marka annagu qaab baannu soo jeedinnay ay doorashadu ku dhici karto oo anagaa jecel in aanu qofna lumin codkiisu, dadkii tartamayeyna way nala qaateen, markaa waa in hay’ad kasta lagu tixgeliyaa shaqadeeda iyo farsamadeedda, iyagu wixii xeerarkaasi kaga beegan uun haka hagaajiyaan.”
Golayaasha Baarlamanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa bishii hore ansixiyey wax ka beddel ay ku sameeyeen kaabista ay hore u dalbadeen Guddiga doorashooyinku oo Xukuumaddu u soo gudbisay, kaabistaas oo ahayd in liiska codbixinta doorashada lagu galayo musharrixiinta Golayaasha deegaanka la kala siiyo lambarro, kaabistaas oo ay markii hore Golaha Wakiilladu ansixiyeen.
Hase ahaatee, Guurtidu dib ugu soo celisay, ka dib markii ay kaabistaas u beddeleen in liiska musharrixiinta laga dhigo astaan, maaddaama oo aanay dadka reer Somaliland boqolkiiba boqol aanay waxna qorin waxna akhriyin waxa ay wada fahmi karaan yahay astaan, wax ka beddelkaas oo ay Golaha Wakiilladuna ku taageereen, isla markaana ansixiyeen, una gudbiyeen Madaxweynaha. Balse Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dib ugu soo celiyey Baarlamanka xeerkaas, isla markaana fadhi aan caadi ahayn ka dalbaday inay isugu yimaaddaan Golaha Wakiilladu,
Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxa muuqda in khilaaf hor lihi soo kala dhex-galay Guddiga doorashooyinka iyo Xukuumadda oo dhinac ah iyo Golayaasha Baarlamanka Somaliland oo dhinac ah, iyaga oo Guddiga doorashooyinku ku doodaya inaan dhaqaale ahaan warqadaha codaynta oo waawaynaanaya awgood aanay suuragal ahayn in astaan laga dhiigo liiska musharrixiinta, halka ay Baarlmankuna ku doodayaan in aan dadka reer Somaliland wada fahmi karin lambarrada, balse waxa la wada fahmi karaa yahay astaamo la kala siiyo musharrixiinta loogu kala codeeyo.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19369



