Guddiga doorashooyinka Somaliland oo Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda u digay, Cayimayna xilliga ololahana
Hargeysa-(Berberanews)- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa Masuuliyiinta Xisbiyada iyo Ururrada siyaasadda ee u tartami doona doorashada golayaasha deegaanka oo loo muddeeyey inay qabsoonto 28-ka November 2012, ugu baaqay inaanay inay dhawraan anshaxa doorashada, isla markaana aanay samayn karin wax olole ah inta ka horraysa 30-ka bisha October ee soo socota.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Maxamuud Yuusuf (Ceese-Xamari), ayaa sheegay inaan la oggolayn inta ka horraysa 30-ka bisha soo socota ee October inay Xisbiyada UCID, KULMIYE iyo Ururrada siyaasaddu aanay samaynin wax olole siyaaasadeed ah, maaddaama oo aan weli la gaadhin waqtiga ay doorashada dawladaha hoose dalka ka bilaabmi doonto oo uu ku sheegay inay tahay maalinta ay October 2012 30-ka tahay.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo xog-waraysi siiyey Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA sida lagu baahiyey Radio Hargeysa, waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay Ururrada iyo Xisbiyadu ilaaliyaan qodobbada Xeerka anshaxa doorashada ee ay wada-jirka u sexeexeen oo aan oggolayn in aan laga hordhicin xilliga ololaha doorashada golayaasha deegaanku dalka ka bilaabmi doono.
Wakaaladdu waxay sheegtay in Guddoomiye Ciise-Xamari intaa ku daray in ciddii ka hor-timaadda ee ku dhaqmi wayda Xeerka anshaxa ee ay wada sexeexeen Guddiga doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyada doorashada galayaa in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise-Xamari, waxa uu sheegay in keliya waxa loo oggol yahay inay Ururrada iyo Xisbiyadu yeeshaan kulammada u gaarka ah ee ay iyagu wada-jirka iyo gaar ahaantaba u yeelan karaan, balse aan la oggolayn inay Ururrada iyo Xisbiyadu fagaarayaasha ka ololeeyaan.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=20905



-
Designed by