Berbera News | Daily News Update

Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabadda Shirka Dhalinyaradda Somaliland Oo Ka War-bixiyay Ajanddaha Shirka Ay Qabanayaan

Hargeysa (Berbera news) Gudoomiyaha Gudida Qaban-qaabinaysa Shirka Dhalinyarada Somaliland ee Cadaadley Mr.Deeq C/laahi Cawaaleayaa maanta ka warbixiyey ajandaha shirka ay qabanayaan isagoo sidoo kalena Xukuumada iyo Haayadaha amniga ugu baaqay inay Sharciga hor keenaan,Ninka sheegtay Ugaaska Dhalinyarada Somaliland oo eedaymo culus saxaafada u mariyey gudidan

 

 

 

Qoraal kooban oo uu Gudoomiyaha Gudida Qaban-qaabada Shirkaasi Mr.Deeq C/laahi Cawaale Saxaafada usoo gudbiyey ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

 

 

 

Tan iyo markii ay soomaliland madaxbanaanida la soo noqotay 18/may/1991 waxa wadanka ka hanaqaaday dawladnimo iyo nidaam kala danbayn marba heer uu taagnaadaba iyadoo marba marka ka danbaysa uu sii xoogaysanayay ila soo bilaabo dawladii ugu horaysayee uu ala haw naxariistee marxuun C/rahman Axmed Cali (tuur) madaxweyne ka ahaa oo ku dhawaaqay gooni isutaaga iyo tii labaad oo uu madaxweyne ka aha ala haw naxariistee marxuun Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal oo hub ka dhig ku samaysay dhamaan ciidan beeleedyadii hubaysnaa iyo tii sadexaad oo uu madaxweyne ka ahaa Mudane Daahir Riyale Kahin oo wadanka ka hirgaliyay doorashooyinkii isku daba xigay. Iyo tan maanta talada haysa ee uu madaxda ka yahay mudane Ahmed maxamed maxamud (siilaanyo )

 

 

 

 

Dhalinyaradu waxay ahaayeen kuwo ugu badan ee ku nool wadanka tiro ahaana waxay ka noqonayaan 70% waxaanay ahaayen kuwo aan wax awooda ku lahayn wadanka haday tahay siyaasada iyo dhaqaalaha iyo arimaha bulshada ama ka maqan saaxada siyaasada iyo isbadalada wadanka ka jira ,waxaanay taas bedalkeeda ahaayeen kuwo loo taliyo laguna fushado danaha siyaasadeed uu ay leeyihiin marba siyaasiyiinta markaas jooga una adeegsadaan siday doonaan ama danta siyaasigu ku jirto loona samayn jiray balan qaad siyaasadeed oo aan waxba laga fulin jirin ama ay dhalinyartu ahaayeen hangool marka arimo siyaasadeed jiraan uun la soo qaado ama loo yimaado,gadaalna aan waxba loo qaban.
Waxa iyadana xusid mudan in dib u xorayntii wadanka ay dhalinyartu qayb libaax ku lahayd hadana aanay helin kaalintoodii ku haboonayd ee ay halganka dheeer u soo mareen iyadoo loo arkayay inaanay wali u bislaan maamulka iyo arimaha siyaasada una tababarnayn waana sababta ay ilaa hada siyaasada wadanka gacanta ugu hayaan ragii xornimad ka hor siyaasada ku jiray ee loo waayay dhalinyaro badasha ruugcadaayada mudada 40 sano ka badan siyaasada ku jiray.

 

 

Waxa taas markhaati cad ka ah sida uu dastuurku uga xakameeyay siyaasada wadan kootana ugu xidhay cid gaar ah inaanay dhalinyaradu siyaasadu ku soo gali Karin in ka yar 35 jir golayaasha kala duwan ee looga arrimiyo siyaasad wadanka marka laga reebo golaha deegaanka oo hada uun ay lagu guulaystay in la badalo ka dib dagaal iyo kaanbbayn dheer oo la galay guulaystay ina wax laga badalo kana dhigan inay 25 jir lagu soo gali karo golaha deegaank balse dhalinyaro ahan wali waxa muuqata in aanku filayn golahaas oo qudhi
waxaana taas guusheed leh cidii ka hawlgashay I yo golayaasha hada jira.

 

 

Waxaana ilaa hada muuqda saluug aad u wayn oo dhalinyartu ka qabto ka maqnaansha siyaasada wadanka.
waxaana taas bedelkeeda dhalinyartii ku adkaaday xaalada wadanka waxaanay keentay inay ka yaacaan una tahriibaan wadano shisheeye qaarkoodna ay badaha ku nafwaayaan,kuwoodii aqoonta lahaa wadan ka ku shaqo la’yihiin.

 

 

 

Sidaas darteed waxa hada la gaadhay xiligii ay dhalinyartu ka tashan lahayd aayaha siyaasaded ama horumar iyadoo aan ognahay in dhalinyartu tahay mustaqbalka manta iyo bari ee wadankan marnabana aanay ogalaan doonin wixii lid ku ah wadankan aan xornimadiisa u soo marnay halganka una nafwaayeen halyayo badan oo u dhashay wadankan,

 

 

 

 

Waxaan si waafaqsan xeerarka iyo nidaamka wadanka sida uu dhigayo article 23 faqradiisa kowad waxa uu dhigaya in qofkasta oo muwaadina ama ku jooga si waafaqsan sharciga waxa uu xaq u leeyahay in maro ama ka dago meelkasta oo uu doono iyo inuu baxo kusoo laabto dalka marka uu doono iyo faqrada 3aad . oo dhigaya muwadiniintu waxay xor u yihiin inay isku habeeyaan ururo siyaasadeed dhaqameed ,bulsheed ,xirfadeed,cilmiyeed,ama kuwa shaqaaled.

 

 

 

Sidas darted dhalinyaro ahaan waxaanu isku abaabulahay
inaanu ka tashano danaha iyo wax wada qabsiga dhalinyarada Somaliland oo dhan meel kasta oo ay wadanka ka joogaan iyadoo aan ahmiyada la siinayn gobol gaar ah ama degmo gaar ah ee dhamaan wadanka min gobol ilaa tuulo loo baahan yahay in laysku xidhmo lana yeesho hal dan oo ah dhalinyaro lagana guuro nidaamada fuusha xun ee ay isticmaalaan dadka waaweyne ee ah beelaha balse loo baahan yahay in la dhiso hal beel oo ah dhalinyaro, lehna hal dan layna qaado kala xidhxidhnaanta iyo kala qoqobka la dhex dhigay dhalinyaradu ee la yidhi isku dan ma tihidin
Ujeedooyinka shirka

 

 

1-is dhexgalka iyo isbarashada dhalinyarada dhamaan gobolada jamhuuriyada Somaliland

 

2-Midaynta aragtiyaha siyaasadeed ee dhalinyarada Somaliland

 

3-Ka qaybgalka iyo sida ugu macquulsan ee dhalinyardu ku gali karto saaxada siyaassda Somaliland uga qaybqaadan lahaayeen arimaha siyaaaasaded ee ka socda wadanka iyo guud ahaanba gobolka geeska.

 

4-in wax layska waydiiyo caqabadaha hortaagan dhalinyaradu ee u diiday in kaalin firfircoon ka qaataan arimaha siyaasada dhaqaalaha arimaha bulshada iyo guud ahaan ba xaaladaha wadan .

 

5-In la daraaseeyo waxyaabaha sababay in dhalinyartu ka tahriibaan wadanka una tahriibaan wadano kale iyadoo aan ognahay haday tani sii socoto in uu hog ku dhacayo aayaha wadankani.

 

6-Sidee looga bixi karaa shaqo la’aantan wadanka ka jirta ama side shaqaalaysiintu u noqon kartaa mid ku dhisan aqoon iyo cadaalad ee loga bixi karaa shaqadn wajiga ku salaysan.

 

 

 

7-Sidii wadanku uga bixi karaa nidaamkan hanti-goosiga ah ee uu ku jiro iyadoo aan ognahay in ganacsida wadanku ku ururay tijaar kooban bulshada dan yarta ahna aan wax naxariis ah u galin waxna aan ku celin bulshada iyo wadanka .siyaasadiina ku ururtay in kooban oo ku soo noqnoqatay nidaamadii mamul ee kala danbeeyay.

 

 

 

8-in la helo dhiig cusub oo badala qaybaha kala duwan ee wadanka .

 

 

9-Sii xoojinta qaranimada , nabadgalyada iyo horumarka wadanka

 

10-in dhalinyartu saami ku haboon ka hesho xukuumada hada jirta iyo kuwa soo socdanaba.

 

12-In ha’ayadaha qaabilsan dhalinyaradu magac ahaan uun aanay u jirin ee ay sameeyaan wax dhalinyarada anfaca ,sida wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ,la taliyaha magacweynaha ee arimaha dhalinyaradakuwaas oo aanu dhalinyaro ahaan qabno in aanay kaalintii la rabay ugu jirin dhalinyarada marka laga tagayo magaca ay guudka sudheen.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso.

 

 

 

 

 

 

 

 

Berbera news/Hargeysa.