|

Guddoomiyaha UCID oo ka warramay Faa’iidooyinka Somaliland ka heshay wadahadallada Soomaaliya

Custom Search

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Enj Faysal Cali Waraabe oo xubin ka ahaa Guddigii wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana ku jiray Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee kulanka Dubai kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta ka warbixiyay guulaha iyo faa’iidooyinka wadahadallada labada dhianc.

Faysal Cali Waraabe waxa uu ku tilmaamay wadahadalladdii dhex-maray hoggaamiyayaasha Somaliland iyo Soomaaliya inay ahaayeen kuwii ugu habboonaa ee ay Somaliland la yeelato Soomaaliya tan iyo markii ay gooni uga istaagtay 21 sano ka hor.

Waxa uu Guddoomiyaha Xisbiga Ucid  hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxaanu ku dheeraaday in gudida uu ka mid ahaa ee wada hadalada labada wadan loo xil saaray ay ka dhasheen qodobadii ka soo baxay shirkii 23kii bishii Feberwery ee sannadkan ka qabsoomay magaalada London ee lagaga hadlayay xaalada dalka Somalia,waxa uu gudoomiyuhu xusay in Gudida uu xubinta ka ahaa ay markii u horaysay wada xaajood foolka fool ah la yeesheen Gudidii ka socotay dalka Somalia isagoo tilmaamay in War Murtiyeedkii 8-da qodob xambaarsanaa ee shirkaas ka soo baxay ,isagoo sheegay in qodobka 8aad aanu khusaynin Somaliland ee uu u gaar ahaa dalka Somalia .

Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay in wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia uu yahay mid ay Somaliland ku soo bandhigaysay xaqeeda iyo sidii Somaliland saamigeeda uga heli lahayd kaalmada ay beesha caalamku ku soo bixiso magacii dalkii la isku odhan jiray Somalia .

Guddoomiyaha xisbiga ucid waxa uu sheegay in heshiiskii ay labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia ku kala saxeexdeen magaalada Dubia ay ka mid ahayd qodobadii ka soo baxay shirkii London ay kaga qayb galeen waxaanu intaas raaciyay inay guul taariikhi ah ahayd in Madaxweyne Axmed Siilaanyo,Gudoomiyaha Xisbiga Udub ahaana Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale,Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse biixi iyo isaguba ay u dhamaayeen shirkaas isla markaana ay natiijo fiicani ka soo baxday.

Injineer Faysal Cali Waraabe waxa uu jawaab ka bixiyay War lagu faafiyay Wargayska Haatuf oo lagu sheegay in Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen uu xisbiga ucid ku bixinayo sidii uu murashax uga noqon lahaa  xisbiga ucid lacag dhan  laba hal milyan iyo badh dollar,isagoo intaas ku daray in arrintaasi tahay been abuur isla markaana uu Maxkamad la tiigsan doono. 

Wadahadalladan oo lagu go’aamiyey Shir Soomaalida London loogu qabtay 23-kii bishii labaad ee sannadkan, ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyey ee dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya tan iyo 1991-kii oo ay Somaliland ku dhawaaqday inay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalka Soomaaliya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18176

Posted by on Jul 4 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta