Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Masuuliyiin cusub u magacaabay Xilal kala duwan
Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa xubno ka tirsan Xisbigaas u magacaabay xilal kala duwan, kuwaas oo isugu jira Xoghayeyaasha laamaha UCID.
Waxaana sidaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Xisbiga oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, qoraalka warkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la magacaabo Xoghayayaasha Xisbiga UCID, Markuu Xisbiga UCID ku qancay kartida iyo wax-qabadka ay leeyihiin waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/08/2012 u magacaabay XoghayayaashaXisbiga UCID Masuuliyiintan hoos ku qoran:
1. Foosi Xaaji Yuusuf Warsame .Xoghayaha Waxbarashada ee Xisbiga UCID
2. Dr Anwar Maxamed Cige Xoghayaha Caafimaadka ee Xisbiga UCID
3. Faadumo Siciid Ibraahim Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga UCID
4. Hodan Suldaan Rashiid Suldaan C/llaahi Xoghayaha Xidhiidhka Ururada Bulshada, Samafalka iyo kuwa Dawliga ah ee Xisbiga UCID
5. Axmed Xaashi Cabdi Xoghayaha Qorshaynta ee Xisbiga UCID ex Wasiir ku xigeenkii hore ee Qorshaynta
6. Prof, Siciid Caamir Xoghayaha Caddaalada iyo Arimaha Sharciga ee Xisbiga UCID
7. Abuubakar Maxamed Ismaaciil Xoghayaha Siyaasada iyo Hirgelinta Barnaamijyada ee Xisbiga UCID
8. Xuseen Wadaad yare Xoghayaha Xidhiidhiyaha Laamaha Dibada ee Xisbiga UCID
9. Yaasiin Cumar Cabdi Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyi-gelinta ee Xisbiga UCID.
Isla markaana waxaa la faray masuuliyiintaas in hawshooda sida ugu dhakhsaha badan ay u bilaabaan kana soo baxaan waajibaadkaa loo igmaday. Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu u fuduudeeyo hawsha loo dhiibay.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19839



-
Designed by