Berbera News | Daily News Update

HA CABAN ; EE CAMAL LA KAALAY ?

Marka aad u-kuurgasho xaaladda dalka iyo dadkuba meesha ay marayaan, duruufaha ku gedaaman iyo halista dhaqan-dhaqaale ee ku habsatay waxaa kuu soo bixi, in bulshada cid u maqan iyo ceel u qodan toona aanay jirin, ay tahayna ummad Ilaaheedii abuuray sugaysa.

Siyaasigeedii waxa uu ku fekerayaa sidii uu iskugu diri lahaa ugana xoolaysan lahaa, ganacsadaheediina waxa uu ku taamaya sidii uu uga faa’iidaysan lahaa tabar yaraantooda iyo taag la’aantooda kana taajiri lahaa, aqoonyahankiina naftiisa u-roone ayuu noqday, saxaafaddii oo maalin-qayilkeeda iyo mashruuceeda wax ku soo tabinaysa,wadaadkiina uu ku kaaftoomay adduun yar oo uu helay una haysta in haddii laga hadlo dadka duruuftooda loona doodo masaakiinta la dulmiyay in siyaasad iyo dhaqan xumo la galay, kuwooda siyaasadda daneeyaana ay ka noqotay sheeko iyo fadhi ku dirir.

Hase ahaato’e Ilaahay malaa’ig samada ka soo diri maayo, dadkana dhulka ka wada dhammayn maayo, dad wanaagsanna wada keeni maayo, waxase la rabaa qofka dareenkiisu nugul yahay ee ka fekeraya aayaha iyo mustaqbalka ummaddu in uu naftiisa u diyaariyo hawl culus oo ku keeni karta dhabar jab, dhafar iyo in uu u huro dhiiggiisa iyo dhaqaalihisa. Dadka qof kastaaba marka uu goleyaasha la iskugu yimaaddo ,fadhiyo fariidsanaa, fekerkiisu qummanaa, fulintiisu se ku adagaa.

Cabasho iyo calaacal joogto ahi waxba kama beddelaan sida ay wax yihiin, haddii maalin walba la iskugu yimaaddo goleyaasha lagu doodo, warbaahinta la soo fadhiisto laguna dhaliilo sida wax loo wado, keeni mayso in wax ay hagaagaan, in kastooy qurux badan tahay in ummadda loo sheego dhibta haysata iyada oo aan hebello la tilmaamayn balse baylahda taalla loo tilmaamayo ,dardarna lagu galiyo sidii ay tooshka ugu ifin lahaayeen manaxayaasha gofanaha ku noqday.

Hoggaanka raba in isbeddel yimaaddo waa in uu naftiisa run u sheegaa inta aanu cid kale isku dayin qancinteeda ; hana iska ilaaliyo dhaliisha faraha badan ee aanu ka daalin maalin walba in uu ka sheego masuuliyiinta fashilmay, laga yaabaa in uu isagu noqon doono “habar fadhida legdini wax uga fudud”. Wax kasta oo hareerahaaga ka dhacaya waxay ka falcelinayaan waxa gudahaaga ku jira,

Ha caban ee camal joogto ah la kaalay, dhis rejada bulshadaada ,tus in ay jiraan dhallinyar iyo dad gob ah oo raba in ay ka faydaan dhibta haysata, isbeddelku kuma yimaaddo calaacal iyo cambaarayn joogto ah, taasi waxa ay keentay in siyaasiyiinta iyo inta middida daabkeeda haysaa ay ku fahmeen oo ay ogaadeen hadal badnaanta bulshada iyo la xisaabtan la’aantooda, farabadanaa inta u hanqal taagtay in ay beddelaan nidaamka xun iyo musuqmaasuqa ; haddana iyagii ay noqdeen xarfaan kaga horreeya kuwii ay xajiimayn jireen ! Dhibtu waxa ay tahay in aanay naftooda laylyin ,kaddibna ay soo galeen seero is haysta oo qish, xatooyo iyo isdabamarin ah, iyagiina ay isku dhiibeen kaddib markii ay go’aan yeelan kari waayeen.

Adiga oo aan daraasad qoto dheer ka hayn nidaamka aad rabtid in aad hagaajiso, ha u-ban-bixin wax ka qabadkiisa, toosintiisa iyo horumarintiisa.

Waxaan ku soo gebogebaynayaa maqaalkani kooban , haddaad naftaada isbeddel ku samaysay oo aad diyaar u tahay in aad mas’uuliyad qaaddid waa in aad arrimahan hoosta ka xariiqatid :-

1. Waxa aad qorataa saddex qof oo noloshaada saamayn ku leh magacyadooda oo haddadan aad joogtid nool.
2. Waxa aad hoosta ka xarriiqataa shan sifo oo wanaagsan oo ay leeyihiin saddex ka mid ahna isku day ugu yaraan in aad kaga dayatid.
3. Dooro saddex qof oo aad neceb tahay magacyadooda.
4. Dooro shan sifo oo aad uliita oo ay leeyihiin, kaddibna isku day inaad ka fogaatid.
5. Isku day in aad ogaatid sifooyinkaasi booska ay ku leeyihiin noloshaada.

Qof kastaaba qofka kale ayuu dhaliilaa, macallinku ardaygiisu dhaliisha saaraa ; lidkeeduna waa la mid, bulshadu madaxdooda ayay dhaliisha saaraan ; lidkeeduna waa jiraa, waa iska sidaas uun dhibaato iyo dhaliil aan dhammaanayn.

Haddaba Dhibaatooyinka jira sidee loola dhaqmaa ?

Qir oo aqoonso in ay dhibaato jirto, balse kalsooni ku qab naftaada iyo walaalahaaba in ay ka samato bixi karaan, quusta jooji oo qorshe yeelo raacna qodobbadan;-

 20% sii dhibaatada in aad ka hadashid .
 Daahfur ku samee dhibaatadu meeshay salka ku hayso.
 Ka hadal wixii hore u jiray ee dhibaato ah isku dayna in aanay mar danbe soo noqon.
 Awoodda saar xalka iyo qaabkii loo heli lahaa ,waayo waa ujeeddada aad maskaxda uga shaqaysiinaysid ,maalkaagana ugu huraysid

Isbeddelka aad rabtidna ma dhacayo, dhibta taalana laga gudbi maayo illaa aad dareenkaaga iyo dubaaqaaqa ku qortid in aad diyaar u tahay kaddibna u samaysatid qorshe iyo manhajkii aad u raaci lahayd.

W/Q : Abdiqani Haji Ali
Tifaftirkii : Cabdiraxmaan Barre