‘Haddii Xaasku I Maagto Xirsi-baa Ka Dambeeyey’! Qalinka: Afgaab Guled Howle
Sannad iyo badhka ay jirtay Xukuumadda Kulmiye, waxa sida Xagaayada ugu soo noqnoqnayay Warbaahinta Xag-xagasho iyo meelka dhac ka dhan ah Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Eng Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah Wasiirrada ugu kartida iyo shaqada badan Xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud (Siiilaanyo).
Dhaliisha iyo toosinta Masuuliyiinta Qaranku waxay ka mid tahay Sunnaha Dawladeed waxaanay dhalisaa dawlad wanaag, balse waxa ayaan-darro ah oo aan waliba sabab loo hayn in waxaan caddayn iyo daliil toona lahayn ummadda lala horyimaaddo. Dhaliishu waa tii daliil cad wadata, waa tii Sumad iyo Sawrac leh (Facts And Figures) wixii intaas ka baxsan ee Masuuliyiinta lagula kacaa waa hadal meel waayay oo hinaase ku fadhiya.
Islaan baa beri waxay hal-hays u lahayd Guuleed Xaajoow Gurigaa-Be´ Maalintii dambe ayaa Guuleed Xaaji Laftiisi ku yidhi ee maxaa dhacay Eeddo? Islaantuna Guuleed Xaaji may aqoon waligeedna may arag, waxay ku Jawaabtay Dadkuba wuu lahaa, Eedaha Saboolka ah ee immika loo jeediyo Wasiir Xirsi waa Guuleed Xaajoow Gurigaa-Be´ iyo Dadkuba wuu lahaa. Dadka eedeeya iyo kuwa dhaliila dhammaantood haddii laysu wada geeyo qof kaliya oo wax macquula kuu sheegaya kuma jiro oo aan ahayn Dadkuba wuu lahaa.
Wasiir Xirsi wuxuu joogaa wasaaradda Madaxtooyada oo aynu dareemi karno muggeeda, miisaankeeda iyo maamulkeeda, Wasaaradda Madaxtooyadu waa Hoygii, hugii iyo Haybaddii ummadda, waxay astaan u tahay milgaha iyo macnaha Qarannimo, waa halbowlaha laga hago dhammaan hay’adaha dawladda,wWaa majaraha geeddi-socodka Dawladnimo laga jiheeyo, sidaas oo ay tahay haddana Wasaaradda Miisaankaas leh uma muuqato indhahooduna ma gaadhaan dadka hadh iyo habeen ku hadaaqaya Wasiir Xirsi Cali X Xasan.
Wasiir Xirsi ma dheera Sooyaalkiisa Siyaasadeed oo waa Dhalinyaradii kasoo baxday Warshada KULMIYE ee 10 jirka ah, hadana waxaa Xawli iyo Xawaare horleh ku soconaya Halbeegiisa Siyaasadeed wuxuu Xiin ku dhaafay rag waligood kusoo jirey Masraxa Siyaasada Somaliland ilaa Wakhtigii Somaliya, Sidoo kale wuxuu kartida iyo waxqabadka kaga horreeyaa rag badan oo ay ka siman yihiin heerka waxbarasho, taasina waa sababta koowaad ee la odhan karo wuu ku doortay Maxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud.
Wasiir Xirsi Xaaji Cali waa ogyahay Maskaxdiisana way kusoo dhacdaa Maah-maahdii Somaliyeed ee ahayd Rag Saddex baa u liita Nin Jooga oo aan la tirin, nin Maqan oo aan la tebin iyo Nin Tegaya oo aan la celin, Sidaa darteed waxaa marag madoon ah in aanay geedigiisa Siyaasadeed iyo mustaqbalkiisa sida cadceedda u cad aanay is hortaagi karin dad tiro yar oo hinaase iyo xasad laddaba tukubaya.
Sida aynu wada ogsoonahay Xirsi Ali H Hassan Waa Shaqo Yaqaan Daacad ah wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay shirkadaha waa weyn ee Somtel iyo Dahabshiil Sidoo kale Eng Adnan Yassin oo kamida Aqoonyahanka Somaliland Ee degan Qatar oo ay wasiir xirsi waxbarasho u wada joogeen dalka India wuxuu ii sheegay inuu Yahay Nin Dedaal Badan oo hawlkar ah Hawshii loo dirana kasoo dhalaala.
Wuxuu yidhi Abwaankii Weynaa Ee Cali Dhuux Aadan Hadduu Dherer Wax taro Naagaha Dhicin Lahaa Geel,Iyaba Aabahood oo dhintay Dhaxal ka waayeen, Dadka Xirsi daba tukubaya ee aynu kor kusoo xusnay waxay iminka shaqo ka dhigteen Dhererka iyo muuqaalka Wasiirka waxay iin uga dhigaan Dhererkiisa Markay wax kale oo ay umada u sheegaan waayeen waxan is waydiiyay tolow miyay garan waayeen Intaa uu gartay Cali Dhuux Aadan oo waliba Casri Jaahiligii Noolaa.
Ugu Danbayntii waxaan kusoo koobaya oo biyo Gororka Maqaalkaygu Yahay, Haddii Eedaha madhalayska ah ee Wasiir Xirsi ku socdaa ay sii socdaan waxaad maqli doontaan Maalin dhow rag waa weyn oo Intay Umada iyo Saxaafada horteeda yimaadaan odhanaya HADDII AAN XILKA WAAYO IYO HADDII XAASKU IMAAGTOBA XIRSI BAA KA DAMBEEYEY.
Cidna uma Dhawaynine Cidlaan Dhaabay Warankaa
Waa Qalinkii iyo Qoraalkii
Xuseen Guuled Howle “Afgaab”
afgaab15@hotmail.com
Chicago U S A.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11814






Xersi Toorileh hadii umadii oo dhan iyo xataa beeshii reerka madexweynuhu ka dhashayba arkeen dhibaatada uu wadanka ku hayo muxuu u haystaa Silaanyo mise siro ayuu ka hayaa waa yaabe.