Haweenka Sucuudiga oo loo ogolaaday inay ciyaaraha daawadaan

Tani waa xoriyad kale oo dheeraad ah oo la siinayo Dumar Sacuudiga, kaddib markii la sheegay in loo ogolaanayo  daawashada ciyaaraha garoommada lagu qabto sannadka soo socda, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Qoysaska ayaa awoodi doona in ay gudaha u gallaan Garoommada ku yaalla saddex magaalo oo waawayn oo kala ah Riyadh, Jeddah iyo Dammam.

Dumar Sacuudiga waxaa muddo dheerba saarnaa xayiraando Jinsi ku salaysan, waa farxad kale oo u soo hooyatay dumar Sacuudiga oo horay loogu ogolaaday in ay kaxeyn karaan gawarida.

Maxamed Bin Salmaan ayaa wada qorsheyaal waawayn oo uu ku casriyaynayo Sacuudiga, kuna kordhinayo dhaqaalaha.

Waaxda maamusha ciyaaraha Sacuudiga ayaa sheegtay in ay billaabayaan qabanqaabada hirgalinta arrintan si ay u awdoodaan “in ay qoysaska ugu suuragasho in ay ciyaaraha daawadaan horraanta sannadka 2018ka.

Makhaayado, goobaha lagu qaxweeyo iyo shaashado ayaa laga dhisi doonaa garoomada dhexdooda kuwaas oo qayb ka ah isbadallada la samaynayo.

Hadda wixii ka horreeyay garoomada ciyaaruhu goobo rag oo kali ah ayeey ahaayeen, laakiin waxaa muuqata in wixii markan ka danbeya haweenku ku biiri doonaan.




%d bloggers like this: