Hay’adda Human Right oo wallaac xoog leh ka muujisay qaar ka mid ah masuulliyiinta iyo taageerayaashii Qaddaafi ee ku jira gacanta malleshiyaadka
Ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku booriyey mas’uuliyiinta dalka Libya inay qaadaan mas’uuliyadda taageerayashii Mucaamar Gaddafi, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan kooxo maliishiyo ah, iyagoon wax maxkamad ah la soo taagin.
Hay’addu waxay sheegtey in qiyaastii shan kun oo qof ay ku xidhan yihiin xabsiyo ay kooxo maliishiyo ah maamulaan.
Human Rights Watch waxay sheegtey inay diiwaan gelisey kiisas dad si xun loo jidhdiley, iyagoo gacanta ugu jira kooxaha maliishiyada. Kiisaska qaar, ayay hay’addu sheegtey in dadka la jidhdiley ay u dhinteen. Inta badan dadkani waxaa la qabtey ka hor intaan talada laga tuurin hoggaamiyihii hore ee dalka Col Mucaamar Gaddafi.
Maxaabiistan waxaa ka mid ah saraakiil hore oo dowladda ka tirsan, xubno ka tirsanaa ciidamada ammaanka, dad loo maleynayo inay calooshood u shaqeysteyaal ahaayeen, iyo muhaajiriin ka yimid dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya.
Sida uu dhigayo sharci la meel mariyey horaantii sannadkan, mas’uuliyiinta Libya waxaa laga doonayey inay kiisaska noocaani ah u gudbiyaan hay’adaha garsoorka bishan July 12keeda.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18590




-
Designed by