Helisinki: Munaasibad taageero loogu muujiyay Ururka Cusub ee WADANI iyo Cabraxmaan Cirro oo khadka telefoonka kaga qaybgalay

Custom Search

Helisinki-(Berberanews)- Qaar ka mid ah bulshada reer Somaliland ee ku nool dalka Findland, ayaa shalay ku qabtay magaalada Helisinki munaasibad ay ku teegeerayaan urur-siyaasadeedka cusub ee Wadani.

Munaasibada oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland eek u nool dalka Findland sida  siyaasiin, culimo aw diin, cuqaal , odayaal,dhalinyaro,  iyo haween, ayay dadkii madasha ku sugnaa fursad u heleen inay khadka telefoonka su’aalo ku saabsan Ururka Wadani iyo qorshihiisa siyaasadeed ku weydiiyaan Guddoomiyaha ururkaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Gudoomiyaha gudida qabanqaabada xarunta WADANI ee finland Cadiraxmaan Cartan ayaa madasha ku soo bandhigay barnaamijka iyo qorshaha siyaasadeed ee ururka Wadani ku hagi doono dalka, haddii uu ku guulaysto talada.

Caaqil Mustafe Nuur Ducaale oo isna ka hadlay madasha, ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan ururka cusub ee Wadani,  islamarkaana dadweynaha ugu baaqay inay taageeraan.

 

Caaqilku waxa uu sheegay in ururka Wadani dhashay isagoo qaan-gaadha, “Ururadu way soo dhashaan, kadibna way koraan oo qaangaadhaan. WADANI waxuu dhashay isagoo qaan gaadha,  xataa xisbiyada heesaa loo sameeyaa WADANI way isaga sii samaysnayd, qof kastaana waa Wadani.”

Waxa kale, oo iyaguna munaasibadda ka hadlay odayaal, dhallinyaro iyo aqoonyahan fara badan, kuwaasoo dhammaantood taageero u muujiyay uruka cusub ee Wadani, iyagoo sheegay inay hiil iyo hooba u huri doonaan.

Berberanews.com

Helisinki

Email, info@berberanews.com

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=7872

Posted by on Oct 30 2011. Filed under Dibadda, WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta