hoggaamiyeyaasha EU oo ansixiyay ka bixitaanka Ingiriiska

Heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee Ingiriiska waxa ansixiyay hoggaamiyeyaasha reer Yurub, sida uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Midowga Yurub Donald Tusk.

Hoggaamiyeyaashan oo gaadhayey 27 ayaa taageeray heshiiska ay Britain kaga baxeyso Yurub kaddib kulan qaatay wax ka yar saacad oo ay ku yeesheen magaalada Brussels.

Madaxweyne Tusk ayaa Sabtidii ka dhawaajiyay in heshiiska qabyada ah la ansixin doono kaddib markii xukuumadda Spain ay ka laabatay go’aankeedii ku saleysnaa mustaqbalka gobolka Gibraltar.

Madaxweynaha golaha Yurub ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray heshiiska la ansixiyay ee ka bixitaanka Britain Midowga Yurub.

Heshiiska wuxuu u baahan yahay inay meel mariyaan baarlamaanka UK inkastoo xubno badan oo baarlamaanka ka tirsan ay kasoo horjeedaan.

Waxaa la filaya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub 29 bisha Marso ee sannadka 2019-ka.

Reysal-wasaaraha Dalka Britain ayaa Sabtidii codsatay in la ansixiyo Heshiiska ka bixitaanka.




%d bloggers like this: