|

Idaacado Dawladda TFG ka hirgelinayso gobollo ka tirsan Somaliland iyo Khatarta ay ugu jiraan inay u gacan galaan kooxaha argagixisada ah

Custom Search

Badhan-(Berberanews)-Dawladda taagta daran ee wakhtigeedu gabaabsida yahay ee Somalia, ayaa ku hawlan dhismaha idaacad FM ah oo ka soo horjeeda Madaxbannaanida Somaliland, taasoo ay ka binaynayso magaalada Badhan oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Sida xalay laga baahiyay telefiishanka ku hadla Telefiishanka ku hadla afka dawladda Somalia iyo Universal Tv. Idaacaddaas ayaa la guddoonsiiyay laba nin oo ka socday Gobolka Sanaag, gaar ahaan Deegaanka Badhan, kuwaasoo mid ka mid ah ay wallaalo yihiin Xildhibaan Bulqaas oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland.

 

Idaacaddaas oo xarunteedu noqon doonto Magaalada Badhan ayay masuulliyiinta dawladda TFG ku doodeen in loogu deeqay waxa ay ugu yeedheen “Shacbiga Midnimada jecel” ee Gobolka Sanaag, islamarkaana waxay xuseen in idaacaddaasi baahin doonto barnaamijyo  ku saabsan wacyigelinta bulshada Gobolka Sanaag ee la xidhiidha Baahinta Dastuurka Somalia iyo wadajirka qaranka Somaliyeed.

Xukuumadda Somaliland ayaan wax jawaab ah ka bixin qorshaha dawladda ku-meel-gaadhka ah ee xilligan idaacaddo loo qorsheeyay in lagu faafiyo waxyaabo ka soo horjeeda Madaxbannaanida Somaliland oo dawladda TFG-du bixinaysay muddooyinkii u danbaysay, iyadoo Idaacad hore dawladda TFG-du ugu deeqday bilihii la soo dhaafay malleeshiyada nabad-diidka ku dhuumaalaysata Buuhoodle.

 

Tallaabooyinka ay dawladda TFG-du qaaday ayaa u muuqada kuwo carqaladayn  kara wadahadalladii beesha Caalamku soo saartay ee Somaliland iyo Somali, waxa kale oo ay Idaacadahani khatar ugu jiraan inay u gacangalaan kooxo argagixiso ah oo u addeegsada fidinta barnaamijyo xagjir ah.

 

Berberanews.con

Hargeysa, Somaliland

info@berberanews.com

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17826

Posted by on Jun 26 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta