Berbera News | Daily News Update

Imaatinka Wasiirka Maaliyadda, Faddeexadaha Musuq Ee Dul-hoganaya Kastamka Berbera iyo Muranka Ka Taagan Laba Kooxood Oo Isku Haya Gacan-ku-haynta Xafiiska Cashuuraha Madaarka Berbera


Berbera-(Berberanews)- Wasiirka wasaarada maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi ayaa manta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu mudo ku dhow laba billood dalka dibadiisa uga maqnaa hawlo caafimaad.

Mudadii uu wasiirku maqnaa  waxa hadheedyay qaar ka mida kastanada gobolada dalka fadeexado musuq maasuq ama cashuur lunsiyo kuwaas oo uu ugu horeeyo Kastanka Berbera oo tiraba laba jeer ay ka soo burqatay isku day fool xun oo cashuur lunsi taas oo sababtay inuu khilaafaad soo kala dhex galo qaar ka mida masuuliyiin wasaarada maaliyada ka tirsan  oo wasiirku kaga tegay in ay sii wadaan hawlaha wasaarada iyo maamulka kastanka Berbera.

 

Fadeexadahani waxay soo ifbaxeen ka dib markii maamule ku xigeenkii hore ee kastanka Berbera Maxamed Cali Cumar (Halaasi)  uu soo bandhigay waraaqo been abuura oo la doonayay in lagu luunsado cashuur xad dhaaf ah arrintan oo markii ay soo ifbaxday sababtay in masuuliyiin wasaarada maaliyada ka tirsan oo uu hogaaminayo Agaasimaha waaxda kastamada ee wasaarada maaliyada Cali Dhagoole yimaado xarunta kastanka Berbera si uu arrintan wax uga ogaado.

Agaasimuhu waxa uu helay luunsi iyo musuqmaasuq ba’an oo ka dhacay oo ay ugu weynayd waraaqaha cashuuraha Entry-ga loo yaqaan oo faalsooyin ah oo ay ku qornayd cashuur 8 millyan ah halka markii danbe loo jaray (under collection) laga shubay cashuur 51millyan ah taas oo sababtay inuu markiiba Agaasimaha Guud ee wasaaradu sameeyo isku shaandhayn maamulkii Kastanka Berberana waxa loo bedelay xarunta cashuuraha bariga Hargaysa,hase yeeshee isku shaandhayntan waxa markiiba ka soo hor jeestay Wasiirka Maaliyada oo markaa dalka dibada uga maqnaa arrin caafimaad isaga oo khadka telefoonka kula soo hadlay wasiir ku xigeenka maaliyada una sheegay inuu joojiyo isku shaandhayntaa illaa uu isagu dalka dib ugu soo noqonayo,arrintan oo khilaaf horleh ka dhex abuurtay Agaasimaha iyo maamulaha kastanka Berbera.

 

Muddo yar dabadeed waxa soo baxday arrin labaad oo iyana isku day cashuur luunsi ah taas oo gaadhaysa 120,000,000 millyan taas oo ahayd xadhkaha Kaybalada Telifoonada oo dhererkoodu ahaa 1000m laga dhigay 300m oo kaliya si loo lumiyo cashuurta 700m.

 

 

Sidoo kale, intii wasiirku maqnaa waxa is-maandhaaf  xoog lehi ka abuurmay xafiiska kastamka Madaarka Berbera oo wasiirku hore ugu u magacaabay saddex masuul oo kala ah  maamule iyo laba ku xigeen, halkaasoo uu ka dhashay  id-maandhaaf ka dhashay  sida loo maamulayo qaybta wasaarda maaliyadu ku leedahay madaarka Berbera taas oo markii danbe laga wareejiyay maamulka Berbera loona soo magacaabay shaqaale ka madaxbanaan kastanka Berbera,ayaa waxa iminka hadana bilaabmay khilaaf labaad ka dib markii uu maamulaha kastanka Berbera Cali Bulbul shaqaale dheeraad ah dul dhigay shaqaalhii hore ee madaarka joogay ka dib markii uu wasiirku xilalkii ka qaaday labadii ku xigeen intaanu wadanka ka dhoofin kuwaas oo ay isku maandhaafeen gacan ku haynta qaybtaas iminkana waxa buux dhaafiyay madaarka shaqaale laga soo diray Hargaysa iyo kuwa iminka Berbera lagaga daray.

 

Wasiirka Maaliyadda waxa laga sugayaa waxa uu ka yeelo fadeexadaha hadheeyay Kastanka Berbera isaga oo hore u joojiyay isku shaandhayntii uu Agaasimahu ku sameeyay qaar ka mida wasaarada maaliyada iyada sida ay noo sheegen illo xogogaal ahi uu wasiirka iyo maamulaha kastanka ka dhexeeyo xidhiidh hoose taas oo keentay in maantaba la hadal hayey in uu maamulahu wasiirka ka codsaday soo celinta qaybta maaliyada ee madaarka Berbera.

 

Khadar Jama

Berberanews

Berbera/office

Leave a Reply