Indonesia: Imaam misaajid oo salaadda iska sii watay xilli dhul gariir uu ruxayay halkaasi

Imaamka ayaa saladda iska sii watay iyadoona dhul gariirka uu ruxaya dhismaha misaajidka.

Dadka qaar ee salaadda ku jiray way carareen halka qaar kalena ay misaajidka ay dib ugu soo laabteen.

Afahayeen u hadlay misaajidka ayaa BBC u sheegay in Imaamka uu Illaahey isu dhiibay.

Shaqaalaha samatabixinta dalka Indonesia ayaa howlgal baaritaan ah ka wadaa burburka dhismaha misaajidka oo ku yaalla jasiiradda Lombok halkaaso laga cabsi qabo inay dad badan ay ku hoos jiraan burburka dhismaha.

Misaajidka ayaa kamid ah kumannaan dhismooyin ah oo uu dhul gariirka burburiyay.

2 qof ayaa laga soo badbaadiyay misaajidka burburay.

Share Button
Please follow and like us:
0