Israel oo raaligelin Ka Bixisay Askar ay ku dishay Xuduudka Masar iyo Qaahira oo Safiirkeedii Tel Aviv la baxday

Qudus- (Berberanews/Reuters):- Wasiirka gaashaandhiga Israel Ehud Barak ayaa ciidamadda qalabka sida ee dalka Masar ka raali galiyay, dilkii xubno ka tirsan ilaaladda xuduuda ee booliska Masar todobaadkii hore ay u gaysteen ciidamadda Yuhuudi, halkaasna kaga dileen ilaa 8-xubnood oo ka tirsan 

 Ehud Barak waxa kale oo uu dalka Masar ka tacsiyadeeyay askartaas oo uu sheegay in baadhitaan wixii sababay dilkooda lagu baadhayo ay wada jir u bilaabi doonaan, khabiiro labadda dal ka tirsan, isla markaana wuxuu ugu baaqay Masar in aanay safiirkeeda ay dib ula noqonayso dib uga fiirsato.

 

Qoraal laga soo saaray xafiiska Wasiirka Gaashaandhiga Israel maalintii shalay oo sida muuqata ahaa raali galintii ugu waynayd ee waligeed Israel ka bixiso fal ay kula kacday dad carab ah, ayaa loo malaynayaa inuu ka dhasay cadhadii shacbiga Masaaridu ka muujiyeen falkii dhawaan ciidamadda xuduuda ilaaliya ee dalkooda lagu dilay, sidoo kale qoraalkan ayaa ahaa mid  Israel ku doonayso inay ku  dejiyso xurgufta labadda dal soo kala dhex gashay oo lagu tilmaamay tii ugu waynayd ee labadda dal dhex marta tan iyo intii ka danbaysay heshiiskii lagu dhameeyay dagaalkii u dhexeeyay sanadkii 1979-kii.

 

Todobaadkii hore ayaa weerar ay fuliyeen ciidamadda Yuhuudu ay ku dileen xubno ka tirsan ilaaladda xuduuda ee Masaraadi ka joogta, talaabadaas oo xukuumadda Qaahira ay cadho xoog leh ka muujisay isla markaana deg deg ugu yeedhatay safiirkeedi u joogay magaaladda Telabiib, sidoo kale waxay Masaaridu Israel ugu baaqday inay raali galin ka bixiso, gudi xaqiiqo raadin ahna loo saaro sababtii dilka askartaa dhalisay.

 

Wasiirka gaashaandhiga Israel ayaa ugu baaqay Masar inay kala qayb qaadato baadhitaanka sidii falkani u dhacay lagu ogaanayo, safiirkeeda Tel Aviv u fadhiya oo aan dalka wali ka bixina ka fiirsato in aanu Qaahira tagin si loo dajiyo xiisada.

 

Israel ayaa ku doodaysa in aanay ciidamadeedu fulin dilka askartan isla markaana aanu jirin wax amar ah ama askar ka tirsan Israel oo ka hawl galay meelaha ciidamada Masar joogaan, si kastaba ha ahaatee raali galinta Israel iyo cadhadda Masar waxay muujinaysaa in wax badani iska badalay siyaasadihii iyo habkii Yuhuuda iyo Masar u wada dhaqmi jireen.

 

Faysal Maxamed Xasan

Berberanews




%d bloggers like this: