Italy Oo Ka Warwar San In Xulalka Croatia Iyo Spain Ay U Heshiiyeen.
Spain (Berberanews Sports):- Soo bixtaan isku qasan iyo ka hadalka in heshiis uu dhexmaray xulalka qaar ayaa gaaf wareegaya ciyaaraha ugu danbeeya ee Group C Euro 2012 ee caawa la ciyaarayo, iyadoo Italy ay u baahan tahay inay garaacdo xulkii hore u xaqiijistay inay hadheen ee Ireland si ay fursad ugu helaan inay ka kor talaabsadaan Spain ama Croatia.
Guul ay Italy ka gaadho Ireland waxa ay ka dhigeysaa inay lahaan doonaan shan dhibcood, halka Spain iyo Croatia oo oo ku kulmi doona Gdansk wakhti isku mid ah ay iyagana wada leeyihiin haatan afar dhibcood.
Waa halka ay arinta ka qasmeyso. Hadii Spain iyo Croatia ay ku kala baxaan barbaro 2-2 ah ama barbaro intaas ka badan, guul ay Azzurri gaadho micno yeelan meyso, waana waxa ay saxaafada Talyaaniga ka hadlayaan iyagoo aaminsan in Spain iyo Croatia ay ku heshiiyeen inay barbarahaas ku kala baxaan si ay isku badbaadiyaan.
Waxaana saxaafada Talyaaniga warkaan ka keenaya taariikh hore oo qabsatay sideed sanno ka hor. Euro 2004 xulka Talyaaniga waxa ay ku hadheen wareega Group-yada markii barbaro 2-2 ah ay ku kala baxeen Denmark iyo Sweden oo la aaminsanaa inay ku heshiiyeen sidaas.
Iyadoo Spain loo badinayo inay kaalinta koowaad ee Group-ka ku soo baxeyso ka dib ciyaarta Croatia, lakiin barbaro goolal la’aan ah oo ay galaan ama guuldarro Croatia soo gaadha iyo guul ay gaadhaan Italy waxaa markaas soo baxeyso xulka Cesare Prandelli.
Croatia iyo Spain waligood kumay kulmin tartan caalami ah, halka Italy aanay ka badinin Ireland tan iyo 2005tii.
Mustafe Maxamud Diiriye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17384




-
Designed by