Berbera News | Daily News Update

Itoobiya oo ku dhawaaqday goobaha ay ka hawlgeli doonaan ciidammadeeda Baddu

Itoobiya ayaa sheegtay iney ciidamadeeda badda ee burburay 1990-yadii ay 27 sano kaddib dib u soo celineyso dhawaanna shaqadooda billaabayaan.

Sarreeya Guud Birhaanuu Julaa oo wareysi ay la yeelatay wargeyska ‘Addis Zemen’ oo afka dowladda ku hadlo ayaa sheegay “iney dolwadda Itoobiya ay ka shaqeyn hayso sidi ay u dhisna lahayd ciidama bad oo adag.”

“Ciidamada badda ee ay Itoobiya dhisaneysana waxay noqon doonaan ayuu yiri kuwa tababar casri ah leh isla-markaana qalabki ugu dambeeyey ee ciidamada badda adeegsada.”

Abaanduula ku xigeenka ciidmada Itoobiya oo soo xigtay hadal horay uga soo yeeray xisbiga talada dalka Itoobiya haya oo lagu soo daabacay bogga ay baraha bulshada ku leeyihiin wuxuu yiri:

“Waa inaan muujinnaa sameynta siyaasadeed ee ay Itoobiya ku leedahay dhinaca badda. Waddama badan ayaa meela fogfog ka imanaya si ay badaha dariska nala ah ay saameyn ugu yeeshaan oo saldhigyo ka sameeysto. Annagu waxaan nahay waddan facweyn oo ay ku nool yihiin shacab ka badan 100 milyan. Marka ma jiri karto sabab aan bad la’aan u noqon karno”.

Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay machad lagu tababaro xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 oo qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 qof.

In ciidamo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa badda waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale badan.

Madaxweynaha Faransiiska Emannuel Macron maruu booqasha ku tagay dalka Itoobiya wuxuu sheegay in ciidanka Badda uu Faransiiska u dhisayo dowladda Itoobiya.

Wuxuuna Makron uu Itoobiya lasaxiixday heshiis ku kacaya Malaayiin doollar ah oo dhanka melleteriga ah gaar ahaan in Faransiisku uu gacan ka geysto dhismaha ciidamada Badda oo ay Itoobiya yeelaneyso 29 sano kaddib.

Qorshaha Itoobiya ay ciidamada badda ku sameysaneyso halkuu maraya?

Sida uu sheegay Sareeya guud Birhaanu Julaa, “inaga oo kala tashanyeno waddamada aan saaxibbada nahay waxaan dhammeeystirnay qaab dhismeedka ay ciidamada badda ee Itoobiya lahaanayaan, waxaana muddo gaaban loo gudan galay meel marinta qorshahaasi.”

Ciddamada Badda Itoobiyana waxay saldhigyo ku yeelanayaan ayuu yiri badaha caalamiga ee Badda Cas iyo Badda Hindiya.

“Waxaan dhisaynaa ciidammo xoog badan oo badeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika”. ayuu yiri ra’isal wasaaruhu.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa marki ugu horreysay bishi June ee kal hore ku dhawaaqay inuu dalkiisu doonayo inuu dhisto ciidamo bad, isaga oo ka dhawaajiyey inuu xiriir arrintaasi ku saabsan uu kala yeeshay Asmara iyo Muqdisho xiriir dhaqale iyo mid amniba ay dalalkaasi yeelanayaan.

Taariikhda ciadamada badda Itoobiya

Xukumaddi boqor sillaase ee ka riimineysay dalka Itoobiya ayaa 1958 aasaastay ciidamada badda ee ugu horreeyey Itoobiya, xilligaasi oo ay waddamada Afrika intooda badan ku jiraan gacnta guumeysiga, waxayna ciidamada badda Itoobiya ay noqdeen ciidamada badda ugu xoog badnaa qaaradda Arfika.

Taliyaha ciidamada badda ee Itoobiyana wuxuu tababarkiisa ku soo qaatay dugsi ciidamada badda ay leeyihiin oo ku yaalla dalka mareykanka.

Xigasho Bbc Somali