Berbera News | Daily News Update

Jaaliyadda reer Soomaaliya ee ku dhaqan Somaliland oo Wada Abaabulka Xuska 52-guurada ka soo wareegtay markii ay Talyaaniga ka xoroobeen ee 1-da Julay

Hargeysa-(Berberanews)- Jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, ayaa abaabulaya inay Xuska laba iyo konton guurada ka soo wareegtay markii Koonfurta Soomaaliya  xornimada ka qaadatay gumaystihii Talyaaniga oo ku beegan kawda bisha Julay (Luulyo).

Inkasta oo aan hore looga xusin dalka Somaliland kawda bisha Julay tan iyo markii ay gooni uga istaagtay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Dimuquraaddiga Soomaaliya 18-kii May 1991-kii, haddana waxa ay sannadkan Jaaliyadda reer Soomaaliya ee ku dhaqan Somaliland bilaabeen qaban-qaabada xuska maalinta xornimada Soomaaliya ee kawda Julay, si ay farxadda maalintaa ugala qayb-qaataan Soomaaliya iyo Jaaliyadaha reer Soomaaliya ee daafaha dunida ku kala sugan.

Cabdiraxmaan Ismaaciil Aadan oo ka mid ah Jaaliyadda reer Soomaaliya ee ku dhaqan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa qaar Warbaahinta ka mida u xaqiijiyey inay wadaan Abaabul ay ku doonayaan inay walaalahooda Soomaaliya ee daafaha dunnida ku nool ay kala qayb-qaataan Xuska laba iyo konton guurada ka soo wareegtay markii Koonfurta Soomaaliya  xornimada ka qaadatay gumaystihii Talyaaniga oo ku beegan kawda bisha Julay (Luulyo). Hase yeeshee waxa uu Cabdiraxmaan xusay inay marka hore Codsi waydiisanayaan Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo jaaliyadaha kale ee Itoobiya iyo Jabuuti ay warqadda oggolaanshaha dabbaal-degyadooda ay ku qabanayaan gudaha Somaliland ka qaata.

Arrintan ayey Jaaliyadda reer Soomaaliya ee Somaliland ku dhaqan waxay ku dhalatay ka dib markii ay wadahadalkii ugu horreeyey tan iyo markii ay Somaliland lagu dhawaaqay dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo laga soo saaray go’aanno siddeed qodob ka kooban oo dhigaya inay Somaliland iyo Soomaaliya u dhaqmaan sidii laba dawladood oo jaar ah oo iskaashi iyo xidhiidh dhawi ka dhexeeyo. Taasoo ku doodayaan inay muujinayso inay dadka reer Soomaaliya ee Somaliland ku dhaqani noqonayaan dad ku nool dal ay jaar yihiin marka laga tago Soomaalinnimada iyo walaaltinnimada guud ee ka dhaxaysa dadka Soomaalida ah.

Sidaa daraaddeed, maaddaama oo ay Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dawladood oo xidhiidh fiican iyo iskaashi ka dhexeeyo, waxay qorshaynayaan Jaaliyadda Soomaaliya  ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku dhaqani inay dawladda Somaliland ka codsadaan inay u oggolaato inay mid ka mid ah Huteellada waa weyn ee magaalada Hargeysa ugu dabbaal-degaan maalinta Xornimadooda. Halka maalinta Xornimada Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay la xusayo maalinta Berri ah ee 26 June, taas oo ku beegan laba iyo konton guurada ka soo wareegtay markii Calankii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey dunida laga taago, kaasoo ahaa Calanka ay Somaliland ka qaadatay 26 June 1960-kii Boqortooyada Ingiriiska oo muddo dhawr iyo siddeetan sano ah ka talinaysay dhulka Somaliland.

Waxay Jaaliyadda reer Soomaaliya ee Somaliland ku dhaqani isu arkaan inay maanta yihiin Jaaliyad ku nool dal ay deris ama jaar yihiin, halka markii hore loo arkayey iyaguna isu arkayeen dad ku soo barakacay ama deggan qayb ka mid ah dalkoodii hooyo, taasoo xattaa Hay’adaha Caalamka iyo kuwa Qaramada Midoobay-ba aamminsan yihiin oo aanay dadka Soomaaliya ka soo qaxa ee Somaliland ku soo barakacay ay diideen inay u aqoonsadaan Qaxoonti ahaan, iyaga oo ku dooda inay yihiin dad dalkoodii ku barakacay. Hase-yeeshee, taasi hadda waxay u muuqataa inay is-beddeli karto. Inkasta oo aanay weli Somaliland aqoonsi buuxa ka helin Beesha caalamka, haddana qodobbada heshiiska Shirkii dhex-maray Guddiyada kala matalayey Somaliland iyo Soomaaliya ee Khamiistii inna dhaaftay lagu soo gebo-gabeeyey duleedka Bariga magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa beesha caalamku u dhex dhexaadisay iyagoo laba dal ah oo Xuduud iyo darisnimo ka dhaxayso.

Qodobbada heshiiskaa waxa ka mid ahaa inay Somaliland iyo Soomaaliya iska kaashadaan la-dagaallanka argagixisada, Budhcad-badeedda, Wasakhawga Badaha iyo guud ahaan arrimaha amniga. Inay Somaliland iyo Soomaaliya iska kaashadaan dhinacyada isu-socodka Bulshooyinka labada dhinac, Ganacsiga iyo wixii la mid ah. In la sii wado wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay si dhakhso ah u kulmaan labada Madaxweyne ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo). Waxaanay qodobbadaasi muujinayaan inay Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dawladood oo siman oo xad iyo xidhiidhba ka dhexeeyo, walaw aan laga wadahadal sida war-murtiyeedka lagu sheegay arrinta gooni-isu-taagga madax-bannaanida Somaliland.

Sidaa daraaddeed, waxay dadka reer Soomaaliya ee Somaliland ku dhaqani isu-arkaan inay la mid yihiin Jaaliyadaha Itoobiya iyo Jabuuti ee Somaliland deggan oo sannad kasta xusaska dalalkooda si heer-sare ah ugaga dabbaal-dega magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, iyaga oo Xafladahaa waliba ay ka qayb-galaan Masuuliyiinta sarsare ee Somaliland. Halka sannadkii hore magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya si weyn looga xusay maalinta gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May, iyada oo meelo badan laga lulay Calanka Somaliland, Xafladana loo sameeyey.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay dawladda Somaliland u fahanto sida ay Jaaliyadda Soomaaliya ee Somaliland deggani u arkaan, waxa muuqanaysa inay dadkani leeyihiin xuquuqda ay leeyihiin Jaaliyad kasta oo ku nool dal aan kooda ahayn, waxaanay la mid noqonayaan in Jaaliyadaha kale ee Somaliland ku dhaqan sida kuwa reer Jabuuti iyo reer Itoobiya. Hase yeeshee, waxay jirta Bac ay reer Somaliland ka qabaan reer Soomaaliya, inkasta oo ay Xukuumadda Siilaanyo ee maanta talada haysaa tahay dawladdii ugu horreysay ee Somaliland soo marta ee wadahadal toos ah la yeelata Soomaaliya, haddana waxa la eegayaa sida ay rabitaanka xuska kawda Julay ee Jaaliyadda Soomaaliya ee Hargeysa ku dhaqan ka yeesho.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.