|

Joey Barton Oo Lagu Ganaaxay Lacag U Dhiganta Lix Wiig Mushaharkiisa Islamarkaana Laga Qaaday Kabtanimada QPR.

Custom Search

England (Berberanews Sports):- Joey Barton ayaa lagu ganaaxay lacag gaadhaysa kala badh hal milyan ginni, waxaana sidoo kale laga qaaday kabtanimada QPR ka dib markii uu soo dhamaaday baadhitaan la xidhiidha anshaxa oo ay kooxdu waday.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa lagu ganaaxay mushaharkiisa lix wiig, waxaana looga digay in anshaxa xumo kale oo uu ku dhaqaaqo ay sababi doonto in kooxda laga eryo, ka dib markii uu si aan hagaagsanayn u dhaqmay kulankii Manchester City ee ugu danbeeyay horyaalkii dhamaaday.

Barton ayaa kulankaas casaan loo taagay markii Carlos Tevez uu qalad ka galay, waxaana uu sii sameeyay labo qalad oo kale markii uu garoonka ka soo baxayay taasoo sababtay in FA-ga ay ku ganaaxaan 12 kulan oo uu seegi doono xilli ciyaareedka soo socda.

Warbixin la soo dhigay website-ka QPR ayuu Barton oo ku sugan waqooyiga Afrika waxa uu ku yidhi:

“Dabaacadayda waa ay qaldanayd, waana aqbalayaa ciqaabta la igu soo rogay”.

“Waxaan raaligelin siinayaa tababaraha, saaxiibadeyda kooxda iyo dabcan taageerayaasha QPR oo aan ka raaligelinayo habka dhaqankayka. Sidoo kale waxaan raaligelinayaa ciyaartoyda Manchester City, shaqaalahooda iyo taageerayaashooda”.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17811

Posted by on Jun 25 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta