|

Jose Mourinho:Qofkii Dhaha Real Madrid Ma Ciyaarto Kubad Fiican Been Ayuu Sheegayaa.

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray dadka kooxdiisa ku eedeynaya in ay  si fiican u ciyaarin oo ay natiijo kaliya u ciyaaraan.

Madrid ayaa haatan fadhida hogaanka La Liga waxaana ay seddex dhibcood ka sareeyaan kooxda ay ficiltamaan ee Barcelona 16 kulan ka dib oo la ciyaaray.

 

Dadka dhiraan dhiriya kubada cagta Spain ayaa kooxda Real Madrid barbardhiga Barcelona, iyagoo ku amaana kooxda reer Catalan inay ciyaaraan kubad ka qurux badan tan Los Blancos.

Tababaraha reer Portugal kuma raacsana fekerkaasi, waxaana uu sheegay in taageerayaasha ay aad u jecel yihiin kooxda sababtoo ah waxa ay ku riyaaqaan daawashadooda.

“Real Madrid waxa ay u ciyaartaa si fiican. Hadii qof uu yiraahdo uma ciyaarno si fiican kaliya natiijo ayaan raadinaa, been ayay sheegayaan markaas” ayuu Mourinho ku yidhi wareysi uu siiyay website-ka kooxdiisa.

“Si fiican ayaan u ciyaarnaa, dadka waanu qancinaa waxaana ay doonayaan inay na daawadaan. Waxaan heysanaa Santiago Bernabue, wax kasta oo ciyaarta ay tahay iyo koox kasta oo aan ka soo horjeedno garoonka waa uu buuxaa, waxaana heysaanaa dad buuxinaya Bernabeu”

Mourinho ayaa ka hadlay su’aasha ka taagan mustaqbalkiisa, inkastoo uu qirtay inuu xiiso u hayo England, hadana waxa uu sheegay in xilligan la joogo aanuu ka fekereynin inuu ka tago Madrid.

“Qorshahaan aan wadno sannado badan oo waa weyn ayaa hortiis ah. Waxa ugu fiicnaa weli waa dhiman yihiin oo waa soo socdaan, caqli ma ahan anigoo maalinteydii ugu horeysay shaqadan nafteyda u hibeeyay inaan dhex kaga tago” ayuu yidhi.

“Waana sababta sheekadan weli loo qorayo, sababtoo ah waxaan joogaa meeshii ay aheyd inaan joogo iyo halkii ay aheyd inaan ku sii socdo”

Mourinho ayaa dhawaan u sheegay BBC Radio in heshiiska Madrid ka dib uu qorsheynayo inuu ku laabto England.

Mustafe Maxamud “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

Share Button

You must be logged in to post a comment Login