|

Kenya oo u hanjabtay shaqsiyaad ay sheegtay inay carqaladaynayaan hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Uganda oo ka digtay Weerarro Argagixiso

Custom Search

Kampala-(Berberanews)- Dowladda Kenya ayaa digniin adag iyo hanjabaad culus u jeedisay shaqsiyaad ay ku tilmaantay inay yihiin qas-wadayaal doonaya inay carqaladeeyaan hannaanka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya u gudbayo. Halka ay dawladda Uganda ka digtay weerarro argagixiso oo ay Al-Qaacidada Soomaaliya ka fuliso gudaha waddammada Uganda iyo Kenya.

War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Madaxtooyada dalka Kenya looga taliyo ee Harambi oo uu ku saxeexnaa Madaxweynaha dalkaas Mwai Kibaki, ayaa lagu sheegay in tallaabo laga qaadi doono shaqsiyaad iyo kooxo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo dibeddiisa. Madaxweyne Kibaki waxa uu ku hanjabay inay cunaqabateyn ku soo rogi doonaan qas-wadeyaasha uu sheegay inay carqaladeynayaan howlaha lagu doonayo in looga baxo xilliga Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya 21-ka sano ku soo jirtay iyo hannaanka siyaasadeed ee cusub ee dalkaasi u gudbayo 20-ka bishan aynu ku jirno ee August 2012.

Dhinaca kale, Dawladda Uganda ayaa ka wel-welsan in weerarro argagixiso laga fuliyo gudaha waddankeeda, isla markaana waxay sheegtay in loo baahan yahay in laga feejignaado laguna dedaalo sidii looga hortagi lahaa weerarro argagixiso oo kooxda xag-jirka ah ee Al-Qaacidada Soomaaliya ku bartilmaameedsadaan meelo ka mid ah dalkeeda iyo dalalka la deriska ah.

Saraakiisha Booliska Uganda ayaa sheegay in Al-Shabaab qorsheeneyso in ay weerarro ka geysato dalalka Uganda iyo Kenya. Dowladdu waxaay ugu baaqday shacabka dalkeeda inay muujiyaan feejignaan iyo taxaddar dheeraad ah inta lagu guda-jiro maalmaha Ciiddul-Fidriga. Goobaha dawladda Uganda ugu baaqday shacabkeedu inay feejignaanta ka muujiyaan ayaa ah meelaha Meheradaha la isugu yimaaddo sida Huteellada, Dukaannada iyo meelaha kale ee bulshadu ku kulanto maalmaha fasaxyada iyo farxadda lagu jiro.

Waxaana waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka dalka Uganda lagu arkayaa Ciidammo tiro badan oo dhex-maraya, iyada oo magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda ay Ciidammadu meelaha qaar sida la soo sheegayo baadhitaanno ku bilaabeen, iyagoo sidoo kale baadhaya gaadiidka isaga kala gooshaya Caasimadda qaybeheeda kala duwan iyo kuwa magaalooyinka u kala baxa-ba, si ay u adkeeyaan ammaanka, dhaq-dhaqaaq kastana ula socdaan.

Dawladaha Kenya iyo Uganda ayaa ah dalalka ay Ciidammada ugu badan ee kuwa nabad-ilaalinta ee ka socda Midawga Afrika (AMISOM) ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya Ciidammada dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo dagaal kula jira Malleeshiyada Al-Shabaab oo ka tirsan Shabakadda Al-Qaacida.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19743

Posted by on Aug 18 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta